Xulka qaranka Spain ayaa jabin karta rikoodhka gooldhalinta ee 40-sano jirsaday marka ay la ciyaaraan England ciyaarta finalka ah ee Euro 2024 ee saacado kadib ka dhacaya garoonka Olympiastadion ee Magaalada Berlin.
La Roja ayaa dad badan u arkaan inay yihiin kuwa ugu cadcad inay ku guuleysanayaanhoryaalkii afaraad ee Euro ee, waxayna xisaabta ku dari doonta koobabkii ay ku guuleysteen 1964, 2008 iyo 2012-kii.
Ma jirto wadan waligiis hore ugu guuleystey afar horyaal oo waaweyn oo Yurub ah, De la Fuente wiilashiisa ayaa u soo gudbay finalka Berlin iyagoo heysta rikoor fiican oo lix guulood ah lixdii kulan ee ay ciyaareen.
Spain waxa ay saf ka martay xulalkii ay isku Group-ka ahaayen ee Albania, Italy iyo Croatia, halkaas oo ay ku dhaliyeen shan gool, iyagoo noqday kooxda kaliya ee haatan wada guulaysata dhamaan kulamadii guruubkooda.
Georgia ayaa si lama filaan ah hogaanka ugu qabatay wiilasha De la Fuente wareegii 16-ka, kaliya Spain ayaa si adag ugu jawaabtay afar gool , ka hor inta aysan 2-1 ku garaacin Jarmalka wareega sideed dhamaadka ka dib waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray.
Waxay sidoo kale semi-finalka, ku garaaceen France, taasi ayaana ka dhigtay inay dhaliyeen goolkoodii 13aad ee tartanka.
Spain ayaa haatan hal gool u jirta inay barbareyso rikoodhka ay xulka France sameesay euro-gii 1984-kii, markaasoo Faransiiska uu shabaqa soo taabtay 14 jeer.
La Roja ayaa haatan heysta fursad dheeraad ah waxayna sameen karaan taariikh cusub haday labo gool dhaliyaan.