Ciyaar faraha laga gubtay ayaa dhex maray xulalka Spain iyo Germany xilli Spain 2-1 ku garaacday Xulka Koobka Marti gelinaya. Kulankan ayaa ahaa mid xamaasadiisa wata labada xul ayaana lasoo shirtagay kubad , Baas,Orod iyo taatiko ku dhisa , waxaana ciyaartan laga abuuray fursadihii ugh badna.
Spain waxay samaysay taariikh waxayna sidoo kale soo afjartay abaartii 89 sano jirtay kadib markii ay Germany ku garaacday Euro 2024.
Spain ayaa si adag ku bilaabatay ciyaarta markii uu Pedri dhaawac jilibka ah ka soo gaaray kaliya sideed daqiiqo markii ay ciyaarta socotay.
21-jirkaan ayaa taako xun wuxuu kala kulmay Toni Kroos, waxaana la filayaa inuu seego inta ka harsan tartanka.
Waxaa lagu bedelay Dani Olmo, waana ciyaaryahanka khadka dhexe ee RB Leipzig kaasoo jabiyay ismari waagii ciyaarta wax yar ka dib qeybtii nasashada isagoo hogaanka u dhiibay xulkiisa kadib caawin uu ka helay Lamine Yamal.
Spain ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta la kulantay cadaadis xoogan oo dhanka Jarmalka kaga imaanayay taaso ugu danbeyn keentay in daqiiqadii 89-aad uu Florian Wirtz uu goolka barbaraha ka dhaliyo Spain.
Goolkaas ayaa ciyaarta u diray waqti dheeri ah, waxayna u muuqatay rigoorayaal in lagu kala bixi karo laakin Mikel Merino oo bedel ku soo galay ayaa kubad madax heer sare ah dhaliyay daqiiqadii 119aad.
Sidaasi ayeena spain guusha ku raacday.
Waa Guusha kaliya ee ay Spain ka gaadhay Germany oo ay kula ciyaartay ciideeda , waxaana ugu dambeysay 89 sano ka hor, halka La Roja aanay waligeed ciribtirin wadan marti galinaya koobka qaramada Yurub ama koobka aduunka.
Spain ayaa haatan wajihi doonta France ama Portugal midkood semi-finalka oo ka dhici doona Munich talaadada.