Gareth Southgate ayaa soo jeediyay in uu wakhti qaadan doono si uu uga fikiro ka hor inta uuna go’aansan in uu doonayo in uu sii ahaado tababaraha xulka qaranka England.
53-jirkan ayaa saddexda libaax ku hogaamiyay kaalinta labaad ee Euro 2024 – seddex sano ka dib markii ay xulkiisa sidoo kale ku dhameysatay kaalinta labaad ee tartanka Euro 2020.
Isku daygii ugu dambeeyay ee England si ay ugu guuleystaan koobkoodii ugu horreeyay ee ragga tan iyo 1966-kii ayaa ku dhammaaday xalay niyad jab.
Ma u malaynayo in hadda ay tahay wakhti ku habboon in go’aan la gaadho.
“Waxaan u maleynayaa inay ahaayeen kooxdii ugu fiicneyd tartanka,” ciyaartoydu waxay ahaayeen kuwo cajiib ah, aad ayaan ugu faanayaa.
“Waxaan heysanay xoogaa dardar ah, fursad weyn oo dhamaadka ah inaan sidoo kale barbareyno, laakiin ma hubo inaan sameynay wax nagu filan.
Southgate ayaa sidoo kale sheegay safkaan xagaagan uu aha kuwo tayeesan uuna rajeynayo in koobka adduunka ee soo socda uu ku shir tagi doono, taasi ayaana ka dhiga. Inuu sii joogayo Gareth Southgate.