Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Zinedine Zidane Oo Waayey Shaqo Uu Labada Sannadood Sugayay

by Abdiwahab Ahmed
January 7, 2023
0
Zinedine Zidane Oo Waayey Shaqo Uu Labada Sannadood Sugayay

Tababare Zinedine Zidane ayaa waayey shaqo uu sugayay muddo laba sannadood ah, taas oo ka joojisay inuu qabto shaqooyin kale oo heer kooxeed ah oo lacago bdan usoo bandhigay.

ADVERTISEMENT

Zidane ayaa la ogaaday in aanu shaqadan qabanayn waxyar ka hor finalkii Koobka Adduunka ee bishii December ay Argentina rikoodheyaasha ku garaacday Faransiiska, markaas oo uu iska diiday inuu ka qayb-galo ciyaartii finalka oo uu ku casuumay Madaxweynaha dalkiisa France Emmanuel Macron iyo sidoo kale xidhiidhka kubadda cagta FFF.

Zinedine Zidane oo aan wax shaqo ah qabanin tan iyo markii uu iska casilay Real Madrid xagaagii 2021, ayaa waxa si weyn la iskula dhax marayay inuu beddelayo Didier Deschamps oo la sheegayay inuu ka tegayo xulka France bishii December, laakiin xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska ayaa maanta shaaciyey in Didier Deschamps uu saxeexay heshiis cusub oo uu kusii ahaan doono tababaraha  xulkaas illaa sannadka 2026.

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska ee Le Graët  ayaa ku dhawaaqay in Deschamps uu heshiis cusub saxeexay, waxaanay taasi meesha ka saaraysaa Zinedine Zidane oo uu ka xidhmay albaabkaasi, waxaana uu hadda u jeedsan doonaa dhinaca naadiyada oo uu kusoo noqon doono, inkasta oo ay jiraan warar ku xidhiidhinaya xulka qaranka Brazil.

ADVERTISEMENT

Si kastaba ha ahaatee, Zinedine Zidane ayay si weyn indhaha ugu hayaan PSG oo la rumaysan yahay in ciyaartoydeeda qaarkood sida Kylian Mbappe ay doonayaan in lagu beddelo Christophe Galtier.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023
ADVERTISEMENT
Share352Tweet220
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.