Zinedine Zidane ayaa kusii jeeda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo uu tababare ka noqon doono mid ka mid ah kooxaha waaweyn, halkaas oo uu ka bilaabi doono waayihiisa horyaalka Premier League ee aanu waligii kasoo ciyaarin, kana soo shaqayn.
Zidane ayaa cimrigiisii ciyaareed kusoo qaatay waddamada Faransiiska, Talyaaniga iyo Spain oo uu uga soo ciyaaray Real Madrid, Juventus iyo Marseille, halka tababarenimadiisuna ku koobnayd Real Madrid oo uu guulo waaweyn ku hoggaamiyey muddo kooban oo uu laylinayey.
Xulka qaranka Faransiiska ayaa hore loola xidhiidhinayay, balse waxa usbuucii hore heshiis cusub oo afar sannadood ah saxeexay Didier Deschamps taas oo albaabada ka xidhay Zidane oo hadda u jeedsanaya dhinaca kooxaha.
Waxa kale oo u muuqata in ay kasoo xidhantay Paris Saint-Germain oo doonaysay waqtigii uu joogay Real Madrid, laakiin hadda uu Christophe Galtier si fiican iskugu dubba-riday, una muuqata in aanay isbeddel dhinaca tababaraha ah samayn doonin.
Sida uu qoray wargeyska Sport, Zinedine Zidane ayaa dhamaadka xilli ciyaareedka waxa uu tegi doonaa horyaalka Premier League oo uu tababare uga noqon doono Chelsea oo uu tubta guusha kusoo celin kari la’yahay Graham Potter, kaas oo hadda sii luminaya kalsoonida ciyaartoyda iyo maamulka.
Zidane oo aan wax shaqo ah qabanin tan iyo markii uu k tegay Real Madrid sannadkii 2021, ayuu warku sheegay inuu ugu horreeyo liiska tababareyaasha uu mulkiilaha Chelsea ee Todd Boehly hoosta ku haysto ee uu doonayo inuu ku beddelo Graham Potter oo 11 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah kaliya kasoo hooyey 15 dhibcood.
Si kastaba ha ahaatee, Zinedine Zidane ayaa muddo afar sannadood ah oo uu Real Madrid tababare u ahaa waxa uu ka mid noqday macallimiinta ugu guulaha badan taariikhda kubadda cagta, isaga oo u qaaday saddex Champions League oo xidhiidh ah, laba horyaal oo LaLiga ah iyo koobab kale oo badan, taas oo keentay in FIFA ay laba jeer u magacowdo tababaraha ugu wanaagsan dunida.