Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Zinedine Zidane Oo Go’aan Ka Gaadhay Ka Qayb-galka Finalka Koobka Adduunka Kaddib Markii Uu Deschamps Xulka Ka Eryey Karim Benzema

by Abdiwahab Ahmed
December 17, 2022
0
Zinedine Zidane Oo Go’aan Ka Gaadhay Ka Qayb-galka Finalka Koobka Adduunka Kaddib Markii Uu Deschamps Xulka Ka Eryey Karim Benzema

Zinedine Zidane ayaa go’aan lama filaan ah ka gaadhay ka qayb-galka ciyaarta finalka Koobka Adduunka ee xulkiisa Faransiiska ay Axadda berri iskaga hor iman doonaan Argentina. Halyeygan ayaa la sheegay inuu martiqaad ka helay xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska oo hore loo sheegay inay doonayaan inuu noqdo tababaraha beddelaya Didier Deschamps.

ADVERTISEMENT

Zidane oo xidhiidh fiican oo saaxiibtinimo ka dhexeeyo Karim Benzema oo xogo soo baxaya ay sheegayaan in Deschamps uu ka caydhiyey xulka qaranka Faransiiska  markii uu soo gaadhay dhaawac fudud oo kaliya saddex maalmood uu ku maqnaan lahaa, isla markaana taam u noqon lahaa kulankii labaad ee wareeggii group-yada, ayaa waxa uu qaatay go’aan uu kula safanayo Benzema oo ay kasoo wada jeedaan Algeria.

Warbaahinta MD ee Faransiiska ayaa sheegtay, in martiqaad khaas ah oo xidhiidhka kubadda cagta Faransiisku uu u diray uu Zidane iska diiday, isla markaana aanu ka  qayb-geli doonin finalka Koobka Adduunka, inkasta oo illaa hadda  aanu Zidane ka hadal arrintan.

MD waxay sheegtay in Zidane uu gurigiisa ka daawan doono ciyaarta oo aanu tegi doonin magalada Doha ee waddanka Qatar ee uu ka dhacayo finalka Koobka Adduunku, waana go’aan la mid ah kii uu Karim Benzema xalay shaaciyey ee ahaa in aanu wax xiiso ah u haynin inuu tago finalka Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Zidane iyo Benzema oo hore u sheegay in ay iskugu yeedhaan walaalka weyn iyo walaalka yar ayaa waqti fiican kusoo wada qaatay Real Madrid intii u dahxaysay 2016 illaa 2018 oo ay saddex Champions League  iyo horyaalka LaLiga ku wada guuleysteen. Sidoo kale laba xilli ciyaareed oo xigay oo uu Zidane  kusoo laabtay Madrid ayay horyaalka LaLiga wada qaadeen.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023
ADVERTISEMENT
Share481Tweet301
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.