Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Champions League

YAABKA YAABKII: Jurgen Klopp Oo Mar-Marsiyo Layaab Leh U Sameeyay Guuldarradii Xalay Kooxdiisa Liverpool Kasoo Gaadhay Real Madrid

by Saed Mohamed
April 7, 2021
1
Klopp

 

ADVERTISEMENT

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayuu kasoo yeedhay hadal layaab lehi kaddib markii uu guuldarradii UEFA Champions League ahayd ee ay xalay kala kulmeen Real Madrid ku sababeeyay mid uu sababay garoonka ay kula ciyaareen kooxda ree Spain.

Klopp ayaa sheegay in xiddigaha kooxdiisa Liverpool ay ku adkaatay inay si fiican ugu ciyaaraan Alfredo Di Stefano oo caadiyan ah garoonka tababarka Real Madrid balse ay kooxdaasi ku ciyaaraysay sanadkii ugu dambeeyay.

BY85q6vG?format=jpg&name=small

ADVERTISEMENT

Tan iyo markii uu dilaacay caabuqa dilaaga ah ee Korona Fayras, Real Madrid ayaa ahayd mid ku ciyaaraysay Alfredo De Stefano halka ay dib u dhis ku wadeen Estadio Santiago Bernabeu.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Halka uu Bernabeu ka qaado 81,000 oo qof, Di Stefano ayaa qaada 6,000 oo qof oo kaliya, walow aan garoonka wax taageerayaal ah loo ogolayn haddana Jurgen Klopp ayaa sheegay inuu wax qariib ah ahaa jawiga garooku.

Jurgen ayaa kulanka kaddib yidhi “Dhab ahaan waa inay tijaabo adag ku noqoto Real Madrid ciyaarta Anfield, caawa waxay ahayd wax qariib ah sababtoo ah waxay ahayd wax adag ku ciyaarista garoonku (Di Stefano) laakiin Anfield ugu yaraan waa garoon caadi ah waxaana ay noqon doontaa wax anaga noo wanaagsan”

Liverpool ayay xalay si sahlan guul 3-1 ah kaga gaadhay Real Madrid kaddib laba gool oo ka yimid Vinicius Junior iyo gool uu dhaliyay Marco Asensio kaddib qalad waali ah oo uu sameeyay Trent Alexander Arnold.

Si kastaba, kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa gool marti ah oo muhiim ah soo dhashaday kana helay Mohamed Salah taas oo la micno ah inay kaliya 2-0 ugu gudbi karaan afar dhammaadka ciyaarta dambe.

ADVERTISEMENT

Liverpool ayaa taariikh weyn ku leh marka ay noqoto kasoo kabashada guuldarrooyinka kaddib guushii 4-0 ka ahayd ee ay sanadkii 2019 ka gaadheen Barcelona oo ciyaartii hore 3-0 kaga soo guuleysatay.

Share234Tweet146
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Comments 1

  1. Ali Abdi Guelleh says:
    2 years ago

    Liverpol waxay qaban karan majirto lugta 2 wayo xalay ayay u ahayd fursad fican haday ciyarta badin lahayen lkn 2 dhib ayay kutahay madama ay kuciyarayan enfiel waa lobirin goalasha sxb mesha waxay laciyarayan waa the king of champions league kafirso ragan barcelona maha

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.