Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

YAAB: Wargeyska L’Equipe Oo Boggiisa Hore Ku Daabacay In Lionel Messi Yahay Muwaadin U Dhashay Faransiiska & Caddaymaha Uu Keenay

by Abdiwahab Ahmed
December 16, 2022
0
YAAB: Wargeyska L’Equipe Oo Boggiisa Hore Ku Daabacay In Lionel Messi Yahay Muwaadin U Dhashay Faransiiska & Caddaymaha Uu Keenay

Wargeyska  L’Equipe ayaa maanta boggiisa hore ku daabacay sawir weyn oo Lionel Messi ah oo uu raaciyey xogo layaab leh oo uu ku sheegayo, in xiddiga reer Argentina uu yahay muwaadin u dhashay waddanaka Faransiiska, xilli laba maalmood kaddib kaddib la ciyaari doono finalka Koobka Adduunka oo ay foodda isku darayaan Faransiiska iyo Argentina.

ADVERTISEMENT

L’Equipe oo ka  mid ah wargeysyada ugu waaweyn waddanka Faransiiska, ayaa waxa uu cinwaan far waaweyn ah ku qoray: “Messi Le Francais’ oo macnaheedu yahay ‘Messi waa nin Faransiis ah’, waxaana uu ku ladhay xogo uu kusii xoojinayo dooddan oo laga yaabo in ay dad badan layaab ku noqon doono.

Lionel Messi oo u ciyaara Paris Saint-Germain oo heshiiskiisii labada sannadood ahaa uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, isla markaana aan la ogeyn waxa uu yeeli doono, ayaa waxay iska hor imanayaan xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Kylian Mbappe.

Messi frenchman.

ADVERTISEMENT

Wargeyska L’Equipe waxa uu xusay in madaxweynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi uu maar horeba wada-hadallo heshiis kordhin ah la yeeshay Lionel Messi, laakiin uu 35 jirkani ku adkaystay in waqtigan uu kaliya ay diiraddiisu saaran tahay finalka Koobka Adduunka ee Axadda oo aanu gelayn wada-hadal ku saabsan mustaqbalkiisa.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023

Messi oo hore u qirayy in finalka Koobka Adduunka ee Axadda ay tahay ciyaartiisii ugu dambaysay ee Koobka Adduunka, ayaa waxa uu L’Equipe xusay, in uu jecel yahay in uu ku noolaado caasimadda Faransiiska, isla markaana ay saamayn iyo xusuuso qaali ah ku leedahay noloshiisa oo uu toddoba jeer ku qaaday abaal-marinta Ballon d’Or.

14kii bilood ee uu Messi joogay PSG, waxa uu bilowgii hore deggenaa hotelka qaaliga ah ee Royal Monceau ee ku yaalla Paris, balse waxay markii dambe isaga iyo qoyskiisuba u guureen guri qasri ah oo ku yaalla xaafadda Neuilly-sur-Seine.

Carruurtiisa ayaa waxay sidoo kale bilaabeen barashada luuqadda Faransiiska oo la sheegay inay durba ugu hadalyaan sidii ay tahay luuqaddii aya u dhasheen. Sidoo kale xaaskiisa Antonella ayaa shaqooyin xayaysiisyo ah ka samaysa Faransiiska.

ADVERTISEMENT
Share325Tweet203
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.