Tirakoob cusub oo la sameeyey ayaa soo bandhigay tirada carruurta loogu magac-daray Lionel Messi bishii December, taas oo ah mid aan hore dunida uga dhicin. Xogtan ayaa waxay sheegtay in bishii December uu magaca ugu badan ee carruurta loo bixiyaa ahaa ‘Messi’, maadaama uu xiddiga reer Argentina wacdaro ka dhigay Koobkii Adduunka ee Qatar.
Lionel Messi ayaa dalkiisa u qaaday Koobka Adduunka oo ay 36 sannadood ka qatanayaayeen, waxaana uu u dhaliyey toddoba gool, hase yeeshee waxa geesinimada la wadaagay Alvarez iyo Emiliano Martinez oo iyaguna bandhig heersare ah sameeyey.
Kubadda cagta oo wax weyn ka ah waddamada Brazil iyo Argentina ayaa waxay keentay in wacdarihii Lionel Messi ay waalidiin badan carruurtii u dhalatay ugu magac-daraan Lionel Messi. Tirakoob lagu sameeyey carruurtii ku dhalataya gobolka Santa Fe ee waddanka Argentina ayaa waxay muujisay in 70ka canug ee dhasha midkood loo bixiyey Messi bishii December.
Kaliya wiilasha looma bixinayn magacan, waxaase sidoo kale la wadaagayay gabdhaha. Wiilasha ayaa loo bixinayay Lionel, halka gabdhahana loo bixinayay Lionela, waana labada magac ee ugu badan ee gobolka Santa Fe lala baxay bishii December ee Argentian ay ku guuleysatay Koobka Adduunka.
Kabtanka xulka Argentina ee Lionel Messi ayaa ka sokow Koobka Adduunka, waxa uu ku guuleystay abaal-marinta kubadda dahabka ah ee xiddigii ugu fiicnaa tartanka, halka Emiliano Martinez uu gacanta dahabka ah qaatay oo uu noqday goolhayihii ugu fiicnaa iyo Enzo Fernandez oo khadka dhexe uga ciyaarayay Argentina oo isaguna ku guuleystay abaal-marinta da’yarkii ugu fiicnaa Koobka Adduunka.