Codbixin ay sameysay jariirada Portugal ka soo baxda ee A Bola ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 70 taageerayaasha xulka Portugal inay doonayaan in Ronaldo aan lagu soo bilaaban shaxda xulkooda.
Cristiano Ronaldo ayaa u muuqda mid dhumiyay taageeradii dalkiisa sida lagu sheegay natiijada codbixin ay baahisay jariirada Portugal ee A Bola.
Ilaa iyo boqolkiiba 70 taageerayaashii ra’yigooda la qaaday waxay dalbadeen in Cristiano Ronaldo keyd la geliyo kulanka wareega 16ka Koobka Adduunka ee ay la ciyaarayaan Switzerland.
Arintaan ayaa imaaneysa xilli xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or lagu dhaleeceeyay hab dhaqankiisa kulankii ay guuldarada ka soo gaartay South Korea markaasoo markii la bedelay uu hadalo aan wanaagsaneyn ku yiri tababare Santos.
Cristiano Ronaldo oo noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee shan Koob Adduun oo kala duwan gool ka dhaliya ayaa wadankiisa u dhaliyay 118 gool, laakiin maqaamkiiisa halyeeynimo kaliya kuma filna iyadoo taageerayaasha ay dalbadeen in bedel ahaan lagu soo geliyo kaliya qeybta labaad.
Sababaha ugu weyn ee ay u doonayaan in Ronaldo keyd la geliyo ayaa ah in waxqabadkiisa Koobkaan Adduunka uu aad u hooseeyo madaama uu dhaliyay kaliya hal gool oo rigoore ah, wuxuuna ku guuldareystay inuu caawin sameeyo.
Waxaa u sii dheer inuu kaliya labo karoos sameeyay halka kaliya uu ku guuleystay boqolkiiba 50 gambintii uu sameeyay.