YAAB: Sir Alex Ferguson Oo Lasoo Bandhigay Lacagta Waallida Ah Ee Uu Illaa Hadda Ka Qaato Manchester United

Ferguson

Manchester United waxay maanta soo bandhigtay warbixinteeda xisaab-xidhka ee sannadka, waxaana kasoo muuqday khasaare aad u badan oo ay galeen 12kii bilood ee ugu dambeeyey, hase yeeshee arrin kale oo lama filaan ah ayaa sidoo kale laga ogaaday kooxda, waana in uu wali mushahar badan ka qaato tababaraheedii Sir Alex Ferguson oo sagaal sannadood ka hor ka fadhiistay shaqada.

80 jirkan reer Scotland oo muddo 26 sannadood ah oo uu tababare u ahaa Manchester United ka dhigay kooxda ugu weyn taariikhda Ingiriiska isaga oo u qaaday 13 horyaal oo Premier League ah iyo koobab kale oo maxalli ah, ayaa waxa wali kooxdaas mushahar uga qaataa toddobaadkii £235,000 Gini, waxaanu ka mushahar badan yahay ciyaartooyo badan oo kooxda ah.

Waxa kale oo uu Sir Alex Ferguson ka hayaa Manchester United shaqo kale oo ah in uu yahay safiirka kooxda, waxaana uu sannadkii shaqeeyaa wax ka yar 20 maalmood oo uu ku xoogsado in ka badan £2 milyan oo Gini.

Advertisements

Sida warbixinta xisaabta Manchester United, waxay Red Devils sannadkii tegay siisay Alex Ferguson lacag gaadhaysa £12.2 milyan oo Gini, hase yeeshee lacagta soo gashay aad ayay uga badan tahay intaas, waxaana usoo xerootay £40 milyan oo Gini oo inteeda badan ka timid buug uu qoray oo si aad ah loo iibsaday iyo shirkadda ACF Sports Mromotions oo uu ka sameeyey £26 milyan oo Gini.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada