Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

YAAB: Sababtii Layaabka Lahayd Ee Jordi Alba Ku Qaatay Casaankii Uu U Badheedhay Oo La Shaaciyey

by Abdiwahab Ahmed
January 1, 2023
0
YAAB: Sababtii Layaabka Lahayd Ee Jordi Alba Ku Qaatay Casaankii Uu U Badheedhay Oo La Shaaciyey

Barcelona ayaa laba dhibcood lumisay kulankeedii ugu dambeeyey sannadkii hore ee 2022, waxaanay barbarro 1-1 ah la galeen Espanyol ciyaar xamaasaddeedu sarraysay oo uu dabka kusii shiday Robert Lewandowski oo loo ogolaaday inuu dheelo isaga oo ganaax saddex ciyaarood ah lagu diray.

ADVERTISEMENT

Garsoore Mateu Lahoz ayaa wacdaro ka dhigay ciyaartan, waxaana uu jabiyey rikoodhkii kaadhadhka ee horyaalka Spain ee LaLiga oo ahaa mid isagu uu hore u dhigay.

Waxa uu bixiyey 15 kaadh oo digniin ah iyo laba casaan ah, waxaana shaqsiyaadka la siiyey ku jira Xavi Hernandez oo ka cadhooday go’aamada garsooraha laakiin uu Lahoz ugu tegay laynka oo uu kusoo siiyey kaadh digniin ah.

Espanyol ayay u ahayd markii ugu horreysay ee ay dhibic kasoo hesho Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou ku ciyaaraysa tan iyo sannadkii 2009, balse bandhiggooda waxa qariyey garsoore Lahoz oo ay dunidu hadal hayso.

ADVERTISEMENT

Saddex daqiiqadood gudahood ayuu Lahoz kaadhadh casaan ah ku siiyey Jordi Alba iyo Vinicus Souza, laakiin waxa layaab lahayd in difaaca Barcelona ee Jordi Alba uu u badheedhay kaadhka oo uu illoobay inuu hore u qaatay kaadh digniin ah.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Sergio Roberto oo la hadlayay Diario AS ayaa waxa uu sheegay in Jordi Alba uu illoobay in uu kaadh hore oo digniin ah qaatay, waxaanu yidhi: “Alba waxa uu illoobay kaadhkiisii hore. Anigu ma garanayo wixii uu ku yidhi ee garsooraha ka cadhaysiiyey.

“Laakiin dhamaantayo waanu la yaabnay. Qaybtii labaad waxa aanu doonaynay in aanu weerar galno oo aanu gool labaad la nimaadno, ciyaartana annaga  ayaa maamulaynay.”

ADVERTISEMENT
Share362Tweet227
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.