Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

YAAB: Qoysaska Ciyaartoyda Xulka Qaranka Iran Oo Lagu Wargeliyey In Jeelka Loo Taxaabayo

by Abdiwahab Ahmed
November 29, 2022
0
Xiddig Laga Caydhiyey Xulka Qaranka Iran Oo Maanta Xabsiga Loo Taxaabay

Ciyaartoyda xulka qaranka Iran ayaa loogu hanjabay in qoysaskooda xabsiyada loo taxaabi doono oo waliba lagu jidh-dili doono xilli ay isku diyaarinayaan kulanka adag ee Maraykanka ay caawa ku kala baxayaan ee lagu soo gabogabaynayo Group-ka B ee Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Xiddigaha xulka qaranka Iran ayaa  la siiyey digniin kama dambays ah oo la xidhiidha heesta calanka oo ay ka aamuseen kulamadoodii hore.

Heesta calanka dalkaas ayaa markii laga shiday g aroonka, waxay ciyaartoyda xulka Iran isku qabteen afka iyaga oo diiday inay qaadaan, waxaana ciidamada ilaalada kacaanka Iran ay ugu hanjabeen in haddii ay kulanka  Maraykanka ficilkaas oo kale sameeyaan in ay mudan doonaan ciqaab, iyada oo waliba la bartilmaameedsan doono qoysaskooda iyo ehelladooda ku sugan gudaha Iran.

Masuuliyiinta sare ee Iran iyo ciyaartoyda ayaa kulmay kaddib ciyaartii xulka qaranka England ee ay ciyaartoydu ka aamuseen heesta calankooda, waxaana sida uu xaqiijiyey telefishanka CNN ee laga leeyahay waddanka  Maraykanak loo sheegay dhamaan ciyaartoyda in ay ehelladooda iyo iyaguba mudan doonaan ciqaab.

ADVERTISEMENT

Warka ayaa intaa ku daray, in ciyartoyda la xasuusiyey in ay dembi qaran tahay in heestooda calanka ay ka aamusaan, iyaga oo ku sugan fagaare dunida oo dhan ka daawanayso, iyaga oo dhinaca kalena metelaya sharaftii iyo magacii qarankooda.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaartoyda xulka qaranka Iran ee la ciyaaraya Maraykanka ayay caawa indhuhu si aad ah u hayn doonaan, waxaana haddii ay guuleystaan kulankan ay u gudbi doonaan wareegga 16ka Koobka Adduunka.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
ADVERTISEMENT
Share402Tweet251
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.