Jose Mourinho ayaa dejiyey khiddadda iyo xeeladda uu adeegsan doono tababare Gareth Southgate kulanka England vs France ee wareegga siddeedda Koobka Adduunka ee Sabtida.
Mourinho ayay warbaahintu hadal haysaa ka hor ciyaartan, waxaana la sheegay in Gareth Southgate uu ka helay qishka lagu joojinayo Kylian Mbappe, si uu dalkiisa Ingiriisku uga guuleysan karo France oo ah dalka difaacanaya Koobka Adduunka.
Kylian Mbappe ayaa ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan intii uu socday Koobka Adduunku, waxaana uu dhalaiyey shan gool afar ciyaarood gudahood isaga oo hoggaaminaya tartanka kabta dahabka ah ee Koobka Adduunka.
Difaaca midig ee xulka qaranka England ee Kyle Walker ayaa maalmihii ugu dambeeyey sii daawanayay muuqaallo laga soo ururiyey Mbappe maadaama uu isagu yahay midka ay sida tooska ah iskaga hor imana doonaan ee ay saaran tahay masuuliyadda joojinta laacibkan, balse waxa jirta xeelad kale oo ka timid Jose Mourinho oo tababareyaashu ay daraasaynayaan in ay ku xidhaan Mbappe.
Tababare ku-xigeenka xulka qaranka England ee Steve Holland ayaa sheegay in ay suurtogal tahay in ay isticmaalaan xeeladdii Jose Mourinho ee ahayd in ciyaartoy u gaar ah oo ilaaliya loo sameeyo Mbappe, si ay u joojiyaan weerarkiisa halista ah.
“Waxa aanu u baahanahay in aanu isku dayno in aanu ka badbaadno xaaladu uu nagu burburin karayo anaga oo dhamaantayo arkayna. Waa in aanu isku dayno si aanu uga badbaadno.” Ayuu yidhi Steve Holland, waxaanu sii raaciyey: “Waxa aan xasuustaa mar aanu ka wada-hadlnay Jose Mourinho sannado ka hor markii uu joogay Real Madrid ee ay la ciyaarayeen Barcelona iyaga oo haysta Cristino Ronaldo.
“Dani Alves ayaa ka ciyaarayay difaaca midig ee Barcelona, waxaanu usoo duulayay dhinaca weerarka. Mourinho waxa uu ku dheelay ciyaartoy askari ah oo isaga uun ilaaliya si uu u joojiyo, dabcanna askariga waxa aad kaga badbaadaysaa khatarta, waxaanu joojinayaa qof walba.
“Kaddib waxa uu ka hor geeyey Ronaldo si uu Alves ilaaliye u noqdo. Hadda waxa aanu ka fiirsanaynaa in aanu isticmaalno askari.”