Ciyaartoyda xulka aqaranka Argentina ayaa qaaday qolka labbiska farxad ugu dabbaal-degay markii ay 3-0 ku garaaceen Croatia, waxaanay halkaas ku qaadeen heesho ay midkood ku aflagaaddaynayaan Ingiriiska iyaga oo dib u xasuustay dagaalkii Falklands ee halyeygoodii Diego Maradona uu fagaareyaasha la taagnaan jiray.
Argentina oo u gudubtay finalka Koobka Adduunka oo ay ku sugayaan Faransiiska iyo Morocco midkooda soo baxda caawa, ayaa waxay ku riyoonayaan in ay ku guuleystaan Koobka Adduunka oo sannadkii 1986kii uu Diego Maradona markoodii u horreysay u qaaday.
Guushii ay ku gaadheen garoonka Lusail Stadium kaddib, waxa ciyaartoyda Argentina oo uu wehelinayo tababarahoodu ay galeen qolka labbiska, halkaas ayaanay kasii wadeen dabbaal-deggooda.
Hees caan ah oo ay qaadi jireen xilligii ay Ingiriiska ku dagaallami jireen jasiiradda Folklands, ayaa ku luuqeeyeen ciyaartoyda reer Argentina, waxaana heestaas midhaheeda ka mid ahaa “f***ing English”.
Falkland Islands oo sidoo kalena ay reer Argentina ugu yeedhaan Islas Malvinas ayay Ingiriiska iyo Argentina ku dagaallameen sannadkii 1982kii, taas oo ay Argentina ku doodaysay in ay Britain ka qabsatay sannadkii 1981kii oo ay ku beertay dad Ingiriis ah.
Waxa kale oo ay ciyaartoyda Argentina ku maadsadeen reer Brazil, iyaga oo qayb ka mid ah heestaas kusoo qaatay oo ay ku maadsadeen. Nicolas Otamendi ayaa muuwaalka aheestan soo dhigay bartiisa Instagram.
Akhriso ereyada heesta oo aanu soo turjunay
Waxa ku dhacay Brazil, horyaalka shanta jeer way laabteen
Messi ayaa tegay Rio oo koobka kasoo qaaday
Waxa aanu nahay Argentine isku duuban oo mar walba dhiirranaan doonta
Waxa aanu leenahay riyo ah in aanu noqno horyaalka adduunka
Aniguna sidaas oo kale ayaan ahay, waxa aan ahay reer Argentine,
Ingiriiska ‘fucking English’ waxa aanu ku karbaashnay Malvinas, mana illoobi doono.
Anigu sidas oo kale ayaan ahay, waxa aan u imid in aan idin dhiirigeliyo,
meel walba waan u raacayaa Argentina.