Cristiano Ronaldo ayaa toddobaadkan tababarka la bilaabaya kooxdiisa Sucuudiga ah ee Al-Nassr iyadoo xalay fiidkii uu k degay magaalada Riyadh oo uu dib ugu laabtay isaga oo qoyskiisu wehelinayaan, halkaas oo ay la degi doonaan inta uu laacibkani u ciyarayo Al Nassr.
Toddobaadkii hore ayuu Cristiano Ronaldo heshiis laba sannadood iyo badh ah u saxeexay Al Nassr, waxaana sannadkii uu mushahar u qaadanayaa lacag gaadhaysa 200 milyan oo Euro, taas oo ka dhigaysa ciyaartoyga dunida ugu mushaharka badan.
Maalinta Arbacada ah ee berri ayaa fiidka hore, waxa Ronaldo lagu soo bandhigi doonaa garoonka Mrsool Park ee sidoo kale loo yaqaano King Saud University Stadium, waxaana halkaas iska soo xaadirin doona taageereyaal tiradoodu ka badan tahay 90,000 qof oo kaliya inay isaga arkaan u iman doona garoonka.
Warbaahinta ayaa si toos ah looga daawan doonaa xafladda ay Al Nassr kusoo bandhigayso Cristino Ronaldo, waxaana la filayaa in uu garoonkaa soo geli doono iyadoo ay wehelinayaan Madaxweynaha kooxdiisa ee Musalli Al-Muammar iyo tababare Rudi Garcia.
Ronaldo ayay sidoo kale ehelin doonaan oo ay garoonka lasoo geli doonan xaaskiisa Georgina Rodirguez, carruurtiisa iyo ninka u qaabilsan xayaysiisyada.
Ronaldo ayaa la sheegay inuu durba beddelay aragtida dadka Sucuudiga ee kubadda cagta, waxaanay jeclaadeen inay ciyaaraan kubadda iyaga oo sidoo kalena soo buuxin doona garoomada.
Ciyaartiisa koowaad ee Ronaldo uu u safan doono Al Nassr ayaa loo qorsheeyey toddobaadka dambe, waana kulanka Al Ta’ee ama Al Shabaab.
Wararka noo soo tabi beryahan danbe wax xun uun bad ka kadoo tabinaysay 🐐 nacalaa hoyaada ku yale