Tababare Didier Deschamps iyo xiddigaha xulka qaranka Faransiiska ayaa muujiyey sida ay uga murugoonayaan dhaawaca soo gaadhay Karim Benzema ee uu kaga maqnaanayo Koobka Adduunka, iyadoo ay u tahay markii saddexaad ee uu ka maqnaanayo koobka adduunka.
Sannadkii 2018 ayuu Benzema kaga maqnaa ganaax la xidhiidhay kiiskii fadeexadda ee Mathieus Valbeuna, haddana waa uu ka maqan yahay, halka uu sidoo kalena noqonayo ciyaartoygii ugu horreeyey ee isaga oo bilo ka hor ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ka maqnaada Koobka Adduunka tan iyo sannadkii 1978kii oo sidaas oo kale ay ku dhacday Allan Simonsen.
Iyadoo ay wali taagan tahay doodda sida xulka qaranka France uu ugu jabanayo Karim Benzema, ayaa waxa uu kabtankii hore ee xulka qaranka Uruguay ee Diego Lugano uu sheegay inay jiraan ciyaartooyo ka tirsan xulka France oo ku farxay dhaawaca soo gaadhay Karim Benzema.
Lugano oo warbaahinta la hadlayay ayaa yidhi: “Aniga ayaa huba, waxaana jira ciyaartooyo ka tirsan xulka qaranka France oo ku farxay dhaawaca uu Benzema kaga tegay xulka. Arrintan oo kale marnaba kama dhacdo Uruguay, Brazil ama Argentina… Waxay inteeda badan ku xidhan tahay sida uu tababaruhu ciyaartoydiisa ula dhaqmo, kaliya ma aha dhinaca farsamada, laakiin dhinaca shaqsiyadda. Waa in waxyaabo badan laga qabto arrintaas.”
Lugano ma aanu sheegin magacyada ciyaartoyda ku farxay dhaawaca Benzema, hase yeeshee waxa la ogyahay in aanay isku wanaagsanayn Olivier Giroud oo ay marar badan warbaahinta isku weerareen iyadoo horena ay saamayn ugu yeelatay Benzema kiiskii Valbuena ee muddada shanta sannadood iyo badhka ah uu kaga maqnaa xulka.
Maxa laleyahy Hadaa iyado oay sixun lolaxifaltamaay xidiga francisca kana ciyara qebtaa horee amaa forwardka tasiyo ad shegtay inay. Jiran xidigo kamid ahh France iney dallilan ama eyy kufaxan jabka sogaray penzema ona deli doniin world cupkan maxay kudacday inu segoo world cup Kann tasiiyo ouhora usosegay sadax world cup in the world 🌍