YAAB: Barcelona Oo Ku Cadaadinaysa Luis Enrique Inuu Liiska Xulka Qaranka Spain Ee Koobka Adduunka Ka Reebo Xiddig Ay Is-hayaan Xavi Hernandez

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa lagu cadaadinayaa in uu liiska xiddigaha Spain ee Koobka Adduunka uu ka saaro mid ka mid ah xiddigaha Barcelona, waxaana arrintaas ka shaqaynaysa isla kooxdiisa oo doonaysa in ay hoos u dhigto heerka laacibkan iyo in uu isku arko in uu muhiim yahay intaba.

Sida uu kusoo warramayo wargeyska El Nacional ee kasoo baxa Spain, Xavi Hernandez ayaa dagaal ugu badheedhaya difaaca bidix ee kooxdiisa ee Jordi Alba, waxaanu doonayaa in aan loo qaadanin koobka adduunka, iyadoo bilaha ka hadhsanna uu qorshihiisu yahay in uu kaydka ku hayo oo aanu siinin fursad ciyaareed, si aanu Luis Enrique ugu darsanin liiska xulka Spain ee u safri doona Qatar bisha November.

Jordi Alba oo ka mid ah difaacyahannada bidix ee ugu wanaagsan kubadda cagta, ayaa waxa uu laba kulan oo kaliya ugu soo bilowday Barcelona xilli ciyaareedkan, waxaana laga dhigay dookha saddexaad ee xulashada, iyadoo Balde iyo Marcos Alonso ay ka horreeyaan.

Advertisements

Alejandro Balde ayaa ciyaaray shan kulan oo horyaalka ah oo noqonaysa 386 daqiiqadood oo uu sameeyey saddex caawimood, halka Jordi Alba uu illaa hadda kasoo muuqday kooxdiisa 126 daqiiqadood.

Wariyaha ciyaaraha ee Jamie Easton Gombau ayaa isaguna sheegay in Luis Enrique uu rumaysan yahay, in Jordi Alba uu ka wanaagsan yahay Balde iyo Marcos Alonso oo uu qorshaynayo in uu ku daro xulka qaranka Spain ee koobka Adduunka, maadaama uu leeyahay khibrad ka badan ciyaartoyda kale ee booskaas kula tartamaysa oo uu 85 kulan u saftay xulka.

Jose Gaya oo u ciyaara Valencia ayay dad badan kula talinayaan Luis Enrique in uu ka dhigto difaaciisa bidix, hase yeeshee tababaraha ayaa go’aan ka gaadhi doona ciyaartoyda uu xulanayo iyo sida uu u safayo intaba.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaa ku riixaysa Jordi Alba in uu kansalo heshiiskiisa marka la gaadho dhamaadka xilli ciyaareedka isla markaana uu si xor ah u baxo, iyadoo horena ay iskugu khilaafeen laacibkan mushahar dhimis ay ciyaartoyda kale sameeyeen. Waxa kale oo ay kooxdu doonaysaa in ay meesha ka saarto Jordi Alba iyo Sergio Busqeuts.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada