Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

YAAB ADUUN: Halyeey France Ah Oo Caddaystay Inuu Maanta Taageersan Yahay Messi Iyo Argentina

by Apdihakem Omer Adam
December 18, 2022
0
“Mbappe Wuxuu Kaa Caydhin Doonaa….” – Jamaahiirta Kubadda Cagta Oo Qaab Kaftan Ah Ugu Digay Lionel Messi

Halyeeyga xulka France ee David Trezeguet ayaa caddaystay inuu Koobka aduunka maanta dalkiisa iyo Argentina dhex maraya la doonayo xulka South American-ka ah.

ADVERTISEMENT

Trezeguet ayaa kamid ahaa xiddigihii kasoo caawiyay France Koob aduunkoodii ugu horreeyay 1998, markale ayay maanta midkoodii saddexaad u ordayaan.

Marka laga yimaado inuu French yahay, sidoo kale Trezeguet ayaa haysta sabab weyn oo uu Argentina ku taageero maadaama hooyadii dalkaas kasoo jeedo isla markaana uu isagu kusoo koray caasimada Buenos Aires oo uu xataa waayihiisa ciyaareed ka bilawday.

Trezeguet oo TyC Sports la hadlay kahor Finalka maanta ayaa sheegay inuusan shaqsiyan doonayn Final u dhaxeeya labada dal ee uu ku ab-tirsado balse uu la jecel yahay Koobka Lionel Messi.

ADVERTISEMENT

“Kulankani waa wax aanan anigu doonayn, balse waa Finale weyn. Waa midkii aynu dhammaanteen rajaynaynay, iyagu waa labada xul ee ugu wanaagsanaa Koobka adduunka” ayuu yidhi David.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

“Markasta waan kusoo celceliyaa, dareen ahaan, markaad ogtahay inuu yahay koob aduunkiisii ugu dambeeyay, Leo wuu u qalmaa inuu ku guuleysto. Dadka ayuu riyo galiyaa”.

Si lamid ah Trezeguet, sidoo kale Andre-Pierre Gignac oo isaguna 36 kulan soo metelay France ayaa qaba isla aragtida ah inuu Lionel Messi koobkan mudan yahay isagana taageerayo.

Image

ADVERTISEMENT
Share355Tweet222
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.