Kubad sameeyaha xulka Belgium ee Kevin De Bruyne ayaa u muuqda mid uu kasoo yeedhay hadal niyad ahaan saamayn kara xiddigaha xulkiisa iyo fursadooda koobka aduunka.
Belgium ayaa markale ah xul xiddigo fiican wata balse aan loo hadal hayn una fursad badnayn sidii afar sano kahor koobkii aduunka ee dalka Ruushka ka dhacay.
Belgium ayaa markaas iyaga oo wado adag maray wareega afar dhammaadka kaga hadhay koobka aduunka oo ay guuldarro 1-0 ah kala kulmeen xulkii ugu dambayn ku guuleystay ee France.
Haatan KDB oo waraysi siiyay The Guardian ayaa si cadaan ah u sheegay inaysan gabi ahaanba wax fursad ah u haysan koobka aduunka sanadkan oo ay fursadoodii ahayd 2018 isla markaana ay yihiin xul da’ ahaan sii gaboobaya.
Hadalka Kevin wax badan ayaa ka xaqiiqo ah balse maaha hadal ciyaartoy weyn oo waliba hoggaamiye u ah xul maadaama oo ay ka muuqato inuu is-dhiibay xilli horeba.
“Wax fursad ah uma haysano (Hanashada koobka), waxaan filayaa in fursadayadu ahayd 2018, waxaanu haysanaa xul wanaagsan balse sii gaboobaya” ayuu yidhi 31 sano jirkaasi.
“Waxaanu luminay xiddigo muhiim ah, waxaanu haysanaa xiddigo fiican balse iyagu ma joogaan heerka ay kuwii kale joogeen 2018, waxaan in badan noo arkaa kuwo aan fursad haysan”.