Weeraryahankii hore ee kooxda Manchester City iyo xulka Argentina ee Sergio Aguero ayaa dalkiisa iyo hoggaamiyahooda Lionel Messi siiyay talada qaabka ay ku dhaafi karayaan Virgil Van Dijk iyo xulka uu hormoodka u yahay ee Netherlands.
Aguero ayaa xilli ciyaareedkii hore isagoo ka tirsan Barcelona sababo xanuun dhinaca wadnaha ah loogu qasbay inuu ka fadhiisto kubadda cagta taas oo ka dhigan inuu taageere ka yahay tartanka Qatar ka dhacaya.
Messi iyo Argentina ayaa loolankoodii ugu adkaa ilaa haatan koobka aduunka kaga hortagaya Netherlands oo uu hormood u yahay VVD.
Aguero oo ESPN kala hadlayay qaabka ay Van Dijk ku jabin karaan xiddigaha xulkiisu ayaa si layaab leh u sheegay inay kaliya ku dhaafi karaan haddii qof kuraasta taageerayaasha garoonka kaga soo qayliyo oo dareen ahaan jeediyo.
“Isagu (Van Dijk) ma dheereeyo ee wuxuu leeyahay lugo dhaadheer, tobban talaabo oo aan anigu qaadaa waxay u dhigmaan laba uu isagu qaado” ayuu yidhi Sergio.
“Isaga waa inaad waxkale ku jeediso, qof isaga kaga soo qayliya kuraasta garoonka, haddii aan halkaas joogo waxaan bilaabi doonaa inaan isaga halkaas kala hadlo, isagu waa mid weyn”.