Qoyskii uu dhistay halyeyga reer Brazil ee Adriano ayaa lagu soo warramyaaa in uu burburay oo ay kala tageen Micaela Mesquita oo ay is-guursadeen 24 maalmood ka hor, sababtuna waa mid qariib ah iyo fal layaableh oo uu sameeyey laacibkan.
Adriano oo ay da’diisu tahay 40 jir oo ay noloshiisu isku beddeshay mid mugdi ah markii uu dhax dabbaashay badweyn balwado ah oo sabab u noqday in uu ka fadhiisto kubadda cagta, sidoo kalena uu musalafo oo lacagtii uu shaqaystay waqtigii uu ciyaaraha ku jiray ay ka dhamaato ayaa waxa uu muddooyinkii dambe u muuqanayay mid noloshiisu soo hagaagayso.
Laacibkan hore ee Inter Milan oo mar la sheegay in 18 dumar ah oo jidhkooda ka ganacsada iskugu keenay guri oo uu kula tumanayay isla markaana ku bixiyey lacag gaadhaysa £13,000 Gini sannadkii 2015, ayaa muddo uu nolosha ka dhacsana kaddib waxa uu guursaday Micaela Mesquita, waxaana arooskooda laga joogaa 24 maalmood oo kaliya.
Qorshaha lamaanahan ayaa markii hore ahaa in arooskoodu uu dhaco November 30, balse waxay go’aansadeen in ay soo dedejiyaan arooskooda oo ay ka dhigaan horraanta November, waxaana sawirrada xafladdii arooskooda ay labaduba ku baahiyeen barahooda Instagram.
Saddex toddobaad kaddib, Micaela Mesquita ayaa la sheegay inay dalbatay furriin, kaddib markii ay isku dhaceen Adriano, sababtana waxa lagu sheegay in laacibkan aan la arag muddo laba maalmood ah meel uu jaan iyo cidhib dhigay.
Wararka qaarkood ayaa sheegaya uu baabuur ku tegay Vila Cruzeiro oo ah xaafad ka tirsan magaalada Rio de Janeiro si ay saaxiibbadii meel ugu wada daawadaan ciyaartii xulka qaranka Brazil iyo Switzerland ee wareeggii Group-yada Koobka Adduunka.
Micaela Mesquita ayaa la sheegay inay ka cadhootay falka uu ku kacay laacibkan oo laba habeen ku maqnaa saaxiibbadii, waxaana muran badan kaddib ay ugu dambayntii dalbatay in ay kala tagaan. Micaela Mesquita ayaa sidoo kale masaxday oo barteeda Intagram ka saartay dhamaan sawirradii ay kula jirtay Adriano oo ay ka mid yihiin kuwii arooskoodu.
Adriano oo kubadda cagta ka fadhiistay sannadkii 2016, ayaa usoo ciyaaray kooxaha Inter Milan, Parma, Roma, Corinthians iyo Flamego, waxaana sidoo kale uu xulka qarankiisa la qaaday Copa America sannadkii 2004, iyaga oo finalkii rikoodheyaal 4-2 ah ku garaacay Argentina.
Inter Milan ayuu waqtigiisii ugu badnaa u ciyaaray, waxaana toddoba sannadood oo uu u dheelay uu kula guuleystay afar horyaal oo Serie A ah, halka xulka Brazil 48 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 48 gool.