Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Xumadda Kabta Dahabka Ah Ee Koobka Adduunka Oo Hoos U Dhacday & Saddexda Xiddig Ee Iskugu Soo Hadhay

by Abdiwahab Ahmed
December 11, 2022
0
Xumadda Kabta Dahabka Ah Ee Koobka Adduunka Oo Hoos U Dhacday & Saddexda Xiddig Ee Iskugu Soo Hadhay

Tartanka loogu jiro abaal-marinta kabta dahabka ah ee Koobka Adduunka ayaa woxoogaa uu hoos u dhac ku yimid, waxaana ka hadhay ciyaartooyo badan oo uu hunguri ka hayay in ay ku guuleysan karaan balse dalalkoodu ay hadheen iyaga oo haysta fursad haddii ay kusii jiri lahaayeen Koobka Adduunka ay ugu sii tartami lahaayeen kabta dahabka ah.

ADVERTISEMENT

Guushii xulka qaranka Morocco ay ka gaadhay Portugal ee ay kaga reebtay Koobka Adduunka ayaa waxay liiska tartameyaasha kabta dahabka ah ka Congalo Ramos oo afka hore uga ciyaara Portugal oo isaga oo saddex gool haysta hadhay. Sidoo kale, wareeggii 16ka ayay Morocco kusoo reebtay Spain oo uu ku jiray Alvaro Morata oo saddex gool ka dhaliyey tartanka, isla markaana ku riyoonayay inuu ku guuleysan karo kabta dahabka ah.

Faransiiska ayaa isaguna is-raaciyey xulka qaranka England oo xalay ay tartanka ka saareen iyo laba ciyaartoy oo uu hunguri kaga jiray kabta dahabka ah oo min saddex gool haystay, waana Bukayo Saka iyo Marcus Rashford.

Kylian  Mbappe ayaa illaa hadda hoggaaminaya tartanka gool-dhalinta, waxaana uu haystaa shan gool. 23 jirkan ayaa Arbacada ka hor tegi doona Morocco waxaana haddii uu goolal dhaliyo uu awoodi doonaa in uu sii dheeraysto tartanka.

ADVERTISEMENT

Waxa kale oo afar gool haysta Lionel Messi oo Jimcihii dhaliyey goolkiisa afraad, kaas oo ahaa goolkii 10aad ee uu laacibkani ka dhaliyo shan Koob Adduun oo uu ciyaaray. 

Sidoo Kale Akhri

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023
DEG-DEG: Manchester City Oo War-saxaafadeed Soo Saartay Xilli Fadeexado Dul-hoganayaan

Man City Oo Shir Deg-deg Ah Ugu Yeedhay Tababareyaasha & Shaqaalaheeda

February 7, 2023

Wold cup golden boot 1

Ciyaartoyga saddexaad ee ku tartamaya abaal-marinta kabta dahabka ah ee Koobka Adduunka waa weeraryahanka xulka Faransiiska ee Olivier Giroud oo saddex gool dhaliyey, waxaana ugu dambaysay inuu shabaqa soo taabto ciyartii England ee xalay oo uu madax awood badan guusha ugu go’aamiyey Faransiiska.

ADVERTISEMENT
Share464Tweet290
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

DEG-DEG: Manchester City Oo War-saxaafadeed Soo Saartay Xilli Fadeexado Dul-hoganayaan

Man City Oo Shir Deg-deg Ah Ugu Yeedhay Tababareyaasha & Shaqaalaheeda

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester City aya isku-diyaarinaysa inay dagaal toos ah la gasho Premier League, kaddib markii lagu eedeeyey in ay 115 jeer...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.