Xulka qaranka Croatia ayaa barbarro goolal la’aan ah ku furtay Koobka Adduunka ee ay finalka yimaaddeen sannadkii 2018, waxaana kulan si adag loogu dagaallamay ay dhibcaha ku wadaageen Morocco.
Ciyaar aad u xiise badnayd oo ka dhacday garoonka Al Bayt Stadium oo ay labada waddan ba heleen fursado aanay ka faa’iidaysanin, ayaa waxa si adag loogu halgamay khadka dhexe, iyadoo Croatia ay heshay fursadda ugu fiican ee ciyaarta soo martay.
Hakim Ziyech ayaa kubbad uu usii daayay En-Nesyri waxa uu la haleelay iyadoo aanay cidina cidhiidhi badan ku haynin, balse taabashadiisa ayaanu ku beegin goolka, waxaanay u baxday bannaanka.
Kubbad uu si qaldan iskugu dhiibay Amallah ayaa waxa badhtamaha garoonka ka helay Ivan Persic oo darbad xooggan kaga toogtay bannaanka goolka, waxayse waxyar ka dallacantay birta.
Luka Modric ayay nasiib-darro ku dhacday oo garan waayay si ay kubaddu goolka u geli weyday, markii kubbad uu ka helay laynka uu darbad xooggan oo lugta bidix ah ku liishaamay, balse faro ciddidood ayay kaga dallacantay.
Bounou ayaa sameeyey badbaadintii ugu wanaagsanayd ee ciyaarta markii uu Sosa dhinaca bidix ka keenay kubbad uu goolka hortiisa ugu dhiibay Vlasil, balse goolhayaha oo tallaabooyin u jiray ayaa badbaadiyey.
Boufal oo shaqo adag ka qabtay khadka dhexe ayaa boodhka iska jafay qaybta dambe, waxaana uu kubbad ku xeeladeeyey Lovren, waxaanu usii daayay Mazraoui oo markiiba hore u caray, waxaase kubaddaas ka badbaadiyey goolhaye Livakovico oo la socday kubadda.
Qaybta dambe taxadar badan ayay muujinayeen labada xul, waxaana aad u yaraa weerarka iyo fursadaha marka loo eego 45kii daqiiqadood ee hore oo ay dardar iyo firfircooni badan ku ciyaarayeen, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ah.
Xulka qaranka Morocco ayaa noqday dalkii labaad ee Afrikaan ah ee dhibco ka keena Koobka Adduunka ee sannadkan, waxaana ka horreysay Tunisia oo iyaduna shalay barbarro goolal la’aan ah la gashay Denmark, halka Senegal oo ah dalka saddexaad ee ka socda qaaradda Afrika ee illaa hadda ciyaaray ay guul-darro 2-0 ah kala kulmeen Netherlands.