Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Xulka Wales Oo Magaca Iska Bedelaya Ka Dib Koobka Adduunka – Maxay La Baxayaan?

by Saed Mohamed
November 25, 2022
0
Xulka Wales Oo Magaca Iska Bedelaya Ka Dib Koobka Adduunka – Maxay La Baxayaan?

Xulka qaranka Wales ayaa iska bedelaya magaca ka dib Koobka Adduunka. Xiriirka kubada cagta Wales ayaa doonaya in xulkooda loogu yeero “Cymru” oo ah magaca luqada Welsh ee Wales, iyagoo doonaya in dunida ay ugu yeerto magaca ay iyagu isagu yeeraan luqadooda gaarka ah.

ADVERTISEMENT

Wales oo haatan ka qeyb galeysa Koobkeedii Adduun ee ugu horeysay tan iyo 1958kii ayaa qarka u saaran inay harto ka dib guuldaradii ka soo gaartay Iran iyagoo sidoo kale barbaro la soo galay Mareykanka waxaana u harsan England.

“Xulka waa in mar walba loogu yeero Cymru – waa magaca aan anagu isku naqaano.” ayuu yiri madaxa guud ee xiriirka kubada cagta Wales Noel Mooney.

“Marka aan joogno dalkeena waxaan isku naqaanaa Cymru. Xulkeena qaranka sidaas ayaan ugu yeernaa. Haddii aad aragto website-keena, waxaan isagu yeernaa Cymru.

ADVERTISEMENT

“Dunida inteeda kale ayaa inoo taqaana Wales balse waa inaan shaqo ka qabano. Koobkaan Adduun waxaan uga qeyb galeynaa magaca Wales laakiin 2023ka waxaan u bedeleynaa magaca luqadeena aan isagu yeerno.”

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Arintaan ayaa timid markii Wales ay isku soo aadeen wareega group-yada isreebreebka Euro 2024 xulka Turkiga.

Turkiga ayaa iska bedelay magagacooda oo luqada Ingariiska u dhignaa, waxayna la baxeen magacooda luqada Turkiga ku dhigan ee Turkiye.

Wales ayaa dooneysa iyadana inay iska deyso magacooda luqada Ingariiska oo ay la baxdo magacooda luqada Welshka oo noqonaya Cymru.

ADVERTISEMENT
Share442Tweet276
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.