Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Xulka Qaranka England Oo Murugaysan Kaddib Dhaawaca Walwalka Leh Ee Harry Kane

by Abdiwahab Ahmed
November 23, 2022
0
Xulka Qaranka England Oo Murugaysan Kaddib Dhaawaca Walwalka Leh Ee Harry Kane

Xulka qaranka England ayaa ka walaacsan xaaladda dhaawaca weeraryahankooda Harry Kane oo ay waxyeello kasoo gaadhay ciyaartii Iran ay 6-2 ku xasuuqeen Isniintii, taas oo uu qaybtii dambe ka baxay garoonka markii uu sii wadan kari waayey ciyaarta.

ADVERTISEMENT

Tababare Gareth Southgate ayaa beddelay Kane markii uu kuraanta wax ka noqday, waxaana sawirro laga qaaday ay muujinayaan in aanu ciyaari karayn kulanka Jimcaha ay wada ciyaarayaan waddanka Maraykanka.

Kane oo garoonka ka baxay iyadoo uu xanuun badan ka dareemayo kuraanta lugta midig, ayaa waxa uu sidoo kale awoodi waayey in uu tababarka la qaato ciyaartoydiisa Salaasadii, waxaana loo qaaday dhakhtarka oo sawirro ka qaaday, si loo ogaado heerka uu gaadhsiisan yahay dhaawaciisu.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa kusoo warramaysa in Harry Kane aanu qayb ka noqon doonin ciyaarta Maraykanka, hase yeeshee tababare Gareth Southgate ayaa laga sugayaa inuu xogta u dambaysa la wadaago saxaafadda maalinta Khamiista.

ADVERTISEMENT

Harry Kane ayaa labadii sannadood ee ugu dambeeyey ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaadheen kuraanta lugta midig ee uu haddana dhaawaca cusub kasoo gaadhay, waana sababta keentay in laga walaaco inuu taam u noqonayo kulamada ka hadhsan Koobka Adduunka.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023
Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023

Xulka qaranka England ayaa si aad ah ugu tiirsan Harry Kane oo laba gool caawiyey kulankii Iran, isaga oo ah hoggaamiyahooda afka hore iyo ciyaartoyga ugu magaca weyn ee ay la tageen Koobka Adduunka, waxaana haddii uu saddex gool dhaliyo inta uu socdo Koobka Adduunku uu jabin doonaa rikoodhkii gool-dhalinta Wayne Rooney ee xulka England.

76 ciyaarood oo uu Harry Kane u saftay xulka qaranka England ayuu u dhaliyey 51 gool, waxaana kaliya ka horreeya Wayne Rooney oo 54 gool u saxeexay.

ADVERTISEMENT
Share310Tweet194
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.