Xidhiidhka kubadda cagta Brazil ayaa wada-hadal kula jira tababarihii hore ee xulka Spain iyo Barcelona ee Luis Enrique oo ay doonayaan inay ka dhigtaan tababaraha cusub ee hoggaamin doona xulka ugu guulaha badan dunida ee Brazil.
Brazil oo uu ka tegay macallinkoodii Tite markii ay wareegga siddeedda kaga hadheen Koobkii Adduunka ee Qatar, ayaa waxay muddo raadinayeen tababare cusub, iyaga oo go’aankooduna ahaa inay beddelaan falsafaddoodii hore ee ahayd in ay tababareyaashu noqdaan kuwo u dhashay dalkooda.
Taariikhda Brazil ma dhicin in tababare ahaan ahayn reer Brazil uu hoggaamiyo xulkooda, hase yeeshee madaxweynaha xidhiidhka dalkaas ee Ednaldo Rodrigues ayaa toddobaadka dambe u duulu doona qaaadda Yurub oo uu kula kulmi doono Luis Enrique oo ka mid noqday liiska gaaban ee tababareyaasha ay doonayaan.
Halyeygii Brazil ee Ronaldo oo ay Barcelona u wada ciyaari jireen Luis Enrique ayaa ka shaqeeyey in uu tababarahan hore ee Spain aqbalo inuu noqdo macallinka xulka Spain, taas oo meesha ka saaraysa tiro tababareyaal waaweyn ah oo lala xidhiidhinayay Brazil sida Carlo Ancelotti, Pep Guardiola, Zinedine Zidane iyo Jose Mourinho.