Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Xulka England Oo Loo Sheegay Sida Ugu Fudud Ee Loo Joojin Karayo Kylian Mbappe

by Abdiwahab Ahmed
December 5, 2022
0
Xulka England Oo Loo Sheegay Sida Ugu Fudud Ee Loo Joojin Karayo Kylian Mbappe

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate waxa uu durba bilaabay daraasaynta sidii uu ku heli lahaa farsamo iyo xeelado uu ku joojiyo xiddiga xulka qaranka France ee Kylian Mbappe kaddib markii ay labada xul ee England iyo France isku dhaceen wareegga siddeedda Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Kylian Mbappe oo laba gool dhaliyey kulankii Poland ee wareegga siddeedda ayaa ah hoggaamiyaha dhabta  ah ee xulka difaacanaya Koobka Adduunka ee Faransiiska, waxaana afartii ciyaarood ee uu dheelay uu dhaliyey shan gool.

Difaaca England ayay waqti badan ku qaadan doontaa inay fahmaan qaab-ciyaareedka Mbappe ka hor inta aan la gaadhin waqtiga ciyaarta, waxaana hubaal ah in uu Gareth Southgate meel la fadhiisan doono ciyaartoydiisa oo uu u sharrixi doono qaabka dhaqaaqa Mbappe, meelaha uu ka yimaaddo iyo xataa go’aamada uu qaato marka uu kubadda lasoo galo xerada ganaaxa.

Halyeygii difaaca midig ee England iyo Manchester United ee Gary Neville ayaa isku dayaya inuu caawiyo Gareth Southgate, waxaanu u sheegay sida loo joojin karayo Mbappe, waxaanu yidhi: “Kylan Mbappe ayaa calaamadsan doona. Mbappe waa ciyaartoy cajiib ah, waana laacibka cusub ee ugu wanaagsan dunida, sababtoo ah Messi iyo Cristiano Ronaldo waqtigoodu wuu soo dhamaanayaa. Mbappe waa burburiye dhab ah, laakiin Kyle ayaa ku dhowaan doona, waanu ka orod badan yahay difaacyahannada reer Poland, laakiin run ahaantii waa ciyaartoy heersare ah.”

ADVERTISEMENT

Neville waxa kale oo uu u sheegay Gareth Southgate in loo baahan yahay in la jaro qaabka wada-xidhiidhka iyo kubbadaha ay Antoine Griezmann iyo Olivier Giroud u dhiibaan Mbappe, taasina keeni doonto inuu go’doon noqdo.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Dhinaca kale, Roy Keane oo isaguna istuudiyaha la fadhiyey Gary Nevile ayaa yidhi: “Macquul ma aha in la joojiyo Mbappe, laakiin waxa aan kula talinayaa xulka England in ay iyaguna weerarkooda isticmaalaan, lagu xidho ciyaartoy kale oo aan la siinin meel uu firaaqo ka helo.”

ADVERTISEMENT
Share290Tweet181
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.