Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Xulka England Oo Ku Dhacaya Dalka Ugu Adag Wareegga 16ka Koobka Adduunka

by Abdiwahab Ahmed
November 26, 2022
0
Xulka England Oo Ku Dhacaya Dalka Ugu Adag Wareegga 16ka Koobka Adduunka

Xulka  qaranka England ayaa wadnaha farta ku haya, waxaanay kasii walaacsan yihiin sida ay noqon doonto xaaladdoodu wareegga 16ka Koobka Adduunka, kaddib bandhiggii liitay ee Jimcihii ay barbarraha goolal la’aanta ah kula galeen Maraykanka.

ADVERTISEMENT

England oo guul weyn oo 6-2 ah oo ay ka gaadhay Iran ku furatay Koobka Adduunka ayaa qaab ciyaareed liita la timid kulankii Maraykanka, waxaanay nasiib ku lahaayeen haddii aanay guul-darro la kulmin.

Tababare Gareth Southgate ayaa hadda uu xulka qarankiisu aad u walaacsan yahay, waxaanay ogaadeen suurtogalnimada ah in wareegga 16ka ay u badan tahay inay isku dhacaan waddanka Holland oo iyaguna xalay barbarro la galay Ecuador.

Kulanka ugu dambeeya group B waxa England ay la ciyaari doontaa Wales oo hal dhibic oo kaliya haysata, halka Iran oo saddex dhibcood wadata ay waajihi doonto Maraykanka oo laba dhibcood ka helay labadii ciyaarood ee uu dheelay.

ADVERTISEMENT

Baqasho kama hayso England inay ka hadho Koobka Adduunka, sababtoo ah kaliya waxay ku hadhi karaan in lagaga badiyo 4-0, waana wax aan macquul ahayn, hase yeeshee natiijada kulamada u hadhsan group B waxay saamayn ku yeelan doonaan sida ay iskugu dhici doonaan labada waddan ee kasoo gudba group A.

Sidoo Kale Akhri

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

January 28, 2023
DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023

World Cupp

Haddii England ay ku guul-darraysato inay kaalinta koowaad kaga soo baxdo Group B, waxay isku dhici doonaan dalka kaalinta koowaad kaga soo gudba group A oo ay u badan tahay inay noqon doonto Holland maadaama ay afar dhibcood haysato oo ay hore uga soo adkaatay Senegal, sidoo kalenaa barbarro laa gashay Ecuador, waxaana ciyaartooda u hadhsan ay la dheeli doonaan Qatar oo ka hadhay Koobka Adduunka.

England ayaa iyaduna waxay la dheeli doontaa Wales, haddii ay guul-darraysato ama barbarrayso oo ay Iran ka adkaato Maraykanka, waxay England kusoo bixi doontaa kaalinta labaad, sidaas ayaanay ugu dhici doontaa Holland.

Wargeyska The Sun ayaa sheegay, in England ay hadda aad uga walaacsan tahay in ay Holland isku dhacaan wareegga 16ka, iyadoo la ogyahay in sannadkii 1992kii ahy labadan dal ku kulmeen Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT
Share390Tweet244
ADVERTISEMENT

Related Posts

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Barcelona ayaa maanta booqasho gaaban ugu tagaysa kooxda ay gobolka Catalonia wada degaaan ee Girona oo ay ku booqanayso Estadi...

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.