Waxaa soo idlaaday kulamadii guruub A ee Koobka Adduunka iyadoo Netherlands iyo Senegal ay si rasmi ah uga soo baxeen guruubka ka dib guulo ay ka kala gaareen xulalka Qatar iyo Ecuador.
Xulka Netherlands ayaa kaalinta koowaad uga soo baxay Group A ka dib markii ay 2-0 ku dubteen xulka martigelinaya Koobka Adduunka ee Qatar taasoo ka dhigeysa inay uruursadeen 7 dhibcood.
Halka Senegal ay ku soo baxday kaalinta labaad ee Group A ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen xulka Ecuador, iyadoo xulka Qaarada Afrika uu ku soo baxay lix dhibcood.
Waxaa Group A ka haray Ecuador oo 4 dhibcood laheyd iyo xulka martigeliyayaasha Qatar oo laga wada badiyay dhamaan seddexdii kulan ee ay ciyaareen Group A taasoo ka dhigeysa martigeliyayaashii ugu xumaa abid Koobka Adduunka.
Hadaba Netherlands iyo Senegal ayay la ciyaarayaan wareega 16ka ee Koobka Adduunka?
Madaama Netherlands ay ku soo baxday kaalinta koowaad waxay isku dhacayaan xulka kaalinta labaad uga soo baxa Group B, halka Senegal ay ku dhici doonto xulka kaalinta 1aad uga soo baxa Group B.
England oo hogaamineysa Group B ayaa ugu cadcad inay kaalinta 1aad ku dhameysato haddii ay ka badiyaan Wales markaas waxay la isla ciyaari doonaan Senegal wareega 16ka.
Laakiin haddii England ay barbaro la gasho Wales islamarkaana Iiraan ay ka badiso Mareykanka waxaa kaalinta 1aad ku soo baxeysa Iiraan oo ku dhaceysa Senegal halka England ay labaad ku soo baxeyso oo ay ku dhaceyso Netherlands.
Balse haddii England ay barbaro la gasho Wales islamarkaana Mareykanka uu ka badiyo Iiraan markaas England ayaa kaalinta 1aad uga soo baxeysa Group A oo ku dhaceysa Senegal sababo la xiriira farqiga goolasha halka Mareykanka uu kaalinta ku soo baxayo kuna dhacayo Netherlands.