Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Xogta Iyo Rikoodhyada Laga Diiwaangeliyay Guushii Soo Laabashada Aheyd Ay Sacuudiga Ka Gaareen Argentina

by Saed Mohamed
November 22, 2022
0
Xogta Iyo Rikoodhyada Laga Diiwaangeliyay Guushii Soo Laabashada Aheyd Ay Sacuudiga Ka Gaareen Argentina

Ka hor maanta, Sacuudi Areebiya waxay badisay kaliya kaliya afar kulan oo Koobka Adduunka iyadoo labo ka mid ah ay badiyeen sannadkii 1994kii – waana marka kaliya ee ay gaareen wareega bug baxda.

ADVERTISEMENT

Guushii maanta waa guushoodii labaad ee 28kii sannadood ee ugu danbeysay, waana guushoodii ugu weyneyd abid. Hore waxay u soo garaaceen Morocco iyo Belgium Koobkii Adduunka 1994, waxay sidoo kale afar sannadood ka hor ka badiyeen Masar.

Laakiin inay garaacaan Argentina oo loo arkayay xulka ugu cadcad Koobka Adduunka, waxay noqon doontaa lama filaankii ugu weynaa Koobka Adduunka iyo waqtigii ugu fiicnaa abid taariikhda kubada cagta Sacuudiga.

Lionel Messi ayaa ah ciyaaryahankii ugu horeeyay ee afar Koob Adduun oo kala duwan gool u dhaliya Argentina (2006, 2014, 2018, 2022) wuxuu kala wareegay rikoodhkaan Gabriel Omar Batistuta (94, 98, 02) iyo Diego Maradona (82, 86, 94).

ADVERTISEMENT

Sidoo kale Lionel Messi waa ciyaaryahankii shanaad ee afar Koob Adduun oo kala duwan gool ka dhaliya ka dib Pelé, Uwe Seeler, Miroslav Klose iyo Cristiano Ronaldo.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Argentina ayaa la jabiyay rikoodhkeedii guuldarro la’aanta oo soo jiitamayay 26 kulan, markii ugu danbeysay ee laga badiyo waxay aheyd July 2019kii.

Sidoo kale waa markii labaad taariikhdooda ee laga badiyo kulan Koob Adduun iyagoo hogaaminaya qeybta hore, waxaa sidaan oo kale ku sameysay Uruguay sannadkii la bilaabay Koobka Adduunka ee 1930kii.

Xulka Sacuudiga ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee Qaarada Aasiya ee ka badiya xulka Argentina Koobka Adduunka, ka dib shan jeer oo ay isku dayeen. Waana xulkii ugu horeeyay ee aan Yurub ka dhisneyn oo ka badiya Argentina tan iyo markii ay Cameroon sidaas sameysay sannadkii 1990kii.

Seddexdii xul ee ugu danbeysay ee Argentina ku garaaca Koobka Adduunka waxay noqdeen kuwa ku guuleystay tartanka (Germany 2014 iyo France 2018) ama gaara finalka (Croatia 2018).

ADVERTISEMENT
Share317Tweet198
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.