XOG: Waa Kuwan SADDEX Qalad Oo Uu Sameeyay Graham Potter Kulankiisii Koowaad Ee Chelsea

Tababaraha cusub ee kooxda Chelsea ee Graham Potter ayaa laga diiday inuu guul ku bilawdo waayihiisa  Chelsea isaga oo kulankiisii koowaad oo Champions League ahaa barbardhac 1-1 ah la galay kooxda RB Salzburg.

Blues ayaa hoggaanka kulanka qaybtay qaybtii dambe ee kulanka balse barbardhaca ayuu kooxda martida ahayd u keenay weeraryahan Noah Okafor.

Graham ayaa kulankaas ka sameeyay waxyaabo wanaagsan balse waxa jiray saddex qalad oo uu ku dhacay oo ugu dambayn sababay in kooxda Austria ka socotay ku ciqaabto.

Advertisements

Arrimaha ugu yaabka badan ee hadal haynta keenay isla markii shaxda Chelsea la arkay ayaa ahaa in saxeexyadii daafaca ee kooxda lagu soo xoojiyay xagaagii ee Wesley Fofana iyo Kalidou Koulibaly ay keydka kusoo bilawdeen.

Si kastaba, waxaanu halkan idinkula wadaagaynaa faahfaahinta saddex qoddob oo uu Potter galay kulankiisii furitaanka ee kooxda ree London.

1: Inuu Daafaca Dhexe U Doortay Azpilicueta Bedelka Fofana Iyo Koulibaly

Kabtanka Chelsea ee Cesar Azpilicueta ayaa asal ahaan daafac midig ah balse Graham ayaa kusoo bilaabay daafaca dhexe, 33 sano jirkaas ayuu goolka Salzburg ka fakaday Noah Okafor oo awooday inuu shabaqa gaadho.

2: Inuu Kai Havertz Kusoo Bilaabay

Havertz ayay khaati ka taagan yihiin badi jamaahiirta Chelsea isagoon u muuqan mid shaqo cad oo la sifayn karo garoonka ka dhex haya isla markaana hal gool kasoo dhaliyay siddeed kulan xilli ciyaareedkan. Potter ayaa haystay inuu fursad cusub siin karo Christian Pulisic iyo Hakim Ziyech.

3: Inuu Bedelada Xilli Aan Haboonayn Sameeyay

Potter ayaa xilli hore garoonka ka saaray Aubameyang iyo Kai Havertz oo uu ku bedelay Armando Broja iyo Ruben Loftus-Cheek, xataa haddii ay sax ahaayeen ma aysan jirin wax uu uga baahnaa inuu bedelo xiddigahaas iyagoo kulanka 1-0 ku hoggaaminayay wakhtigaas.

Advertisements

FcpQXyeXEAInppY?format=jpg&name=small

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada