Xulka Brazil ayaa war wanaagsan oo ay ku farxeen ka helaya xaalada dhaawaca xiddiga hormoodka u ah dalkooda ee Neymar.
Neymar ayaa dhaawac canqawga ahi ku gaadhay kulankii ugu horreeyay ee Selecao ka ciyaareen koobkan aduunka ee ay 2-0 kaga adkaadeen Serbia.
Xiddiga PSG ayaa sidoo kale la dhibtooday xanuun caadi ah kaas oo sababay inuusan daawan kulankii dalkiisu guusha 1-0 ah ka gaadhay Switzerland.
Ney ayaa soo caafimaaday oo kasoo xaadiray garoonka daawadayna kulankoodii ugu dambeeyay ee Groupyada walow ay guuldarro 1-0 ah kala kulmeen Cameroon.
Warka u fiican Brazil iyo tababare Tite ayaa ah inuu Neymar kusoo laabtay tababarka isagoo u muuqda waliba mid faraxsan isla markaana kor u qaaday fursadiisa kulankooda habeen dambe ee South Korea.
Neymar ayaa gool uu ku farxay ka dhaliyay tababarka xulkiisa kaddib markii uu goolhayaha dookha saddexaad ee Weverton labadiisa lugood kubadda ka dhex saartay.
Ugu dambayn, wargeyska Globo ee aadka ula socda arrimaha Brazil ayaa sheegaya in xulkiisu ku niyadsan yahay inuu qayb ka qaadan karo kulankooda South Korea.