Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa shaaciyey in ay baadhitaan ku samayn doonaan wixii ka dhacay ciyaartii ay Manchester City 4-0 ku xasuuqday Chelsea, taas oo ka sokow natiijada ay ka dhaceen falal ka baxsan anshaxaha oo labada kooxoodba ku mutaysan karayaan ganaaxyo.
Manchester City ayaa si xun u xaquuqday Chelsea si ay ugu gudubto wareegga afraad ee FA Cup, dhamaadkii ciyaarta ayaa waxa garoonka is-qabsaday dhawaaqa aflagaaddooyin laga maqlayay garoonka Emirates Stadium.
War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa lagu sheegay in taageereyaasha Chelsea ay ku kaceen anshax-xumo iyo aflagaaddooyin, iyadoo ciyaartoyda Chelsea qaarkood ay ku tilmaamayeen inay jidhkooda ka ganacsadaan ama yihiin qowmu-luud.
“Waxa aanu sii wadi doonaa in aanu la shaqayno waaxda xeer-ilaalinta iyo ka hortagga dembiyada, iyo waaxda ilaalinta kubadda cagta ee UK, si arrintan tallaabo looga qaado.
“Wax aanu si cad uga soo horjeednaa nooc kasta oo faquuq ah, waxaananu ku dedaalaynaa in aanu xaqiijino in deegaanka ciyaaruhu uu noqdo mid badqab ka ah, isla markaana aanu meel ku yeelanin ficillada nacaybka ee garoomada dhaxdoodu.”
Jamaahiirta Manchester City ayaa ku ooriyey qaar ka mid ah ciyaartoyda Chelsea oo ay ku tilmaameen inay yihiin qowmu-luud, taas oo keentay in war-saxaafadeed degdeg ah uu soo saaro xidhiidhka kubadda cagta Ingiriisku.