Manchester United ayaa candhuufteeda dib u liqaysa, waxaanay iska illoobaysaa xiddig ka tirsan PSG oo uu tababare Erik ten Hag doonayay in uu keeno Old Trafford xagaaga foodda inagu soo haya, kaas oo hadda doortay in uu ka dego Real Madrid oo uu u hayo jacayl illaa carruurnimadii iyo abaal-weyn.
Erik ten Hag oo raadinaya difaac midig oo u beddela Diogo Dalot oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, ayaa waxa uu isku dayayaa inuu PSG kala soo wareego xiddiga reer Morocco ee Achraf Hakimi oo wacdaro ka dhigaya Koobka Adduunka.
24 jirkan oo ka mid ah difaacyahannada midig ee ugu wanaagsan dunida, ayay sumcaddiisu sare usii kacday intii uu socday Koobka Adduunku oo uu xulkiisa ka caawiyey inay afarta ugu dambaysa ka mid noqdaan.
12 bilood oo uu ku sugnaa Inter Milan waxa uu usii dhaafay PSG oo laba xilli ciyaareed oo uu u dheelay uu u saftay 62 kulan oo uu u dhaliyey toddoba gool.
Sida uu qoray wargeyska Relevo ee kasoo baxa waddanka Spain, Real Madrid ayaa doonaysa inay dib ula soo wareegto Achraf Hakimi oo isaguna u dhego nuglaan doona, isla markaana ogolaanaya in uu mushahar dhimis sameeyo maadaama uu jecel yahay inuu ka ciyaaro Santiago Bernabeu, waxaanay taasi meesha ka saaraysaa hungurigii Manchester United.
Heshiiska uu Hakimi kula jiro PSG ayaa soconaya illaa 2026, lamana oga sida ay Real Madrid ku doonayso inay kula soo wareegto laacibkan maadaama aanay kooxda Faransiisku ogolayn inay si fudud kusii deyso xiddigan, iyadoo waliba uu xun yahay xidhiidhka ka dhexeeya Real Madrid iyo PSG.