Xiddig hore uga soo ciyaaray horyaalada Ingiriiska ee Premier League iyo Spain ee LaLiga ka hor intii aanu ka fadhiisan kubadda cagta ee aanu waliba noqonin amiirka waddanka ugu muslimiinta badan adduunyada.
Ciyaartoyga aynu ka hadlayno waa xiddigii hore ee kooxaha Swansea, Espanyo, Rayo Vallecano iyo Real Betis ee Jordi Amat oo hadda ah amiirka waddanka Indonesia, kaas oo sannado uu kusoo dhax jiray kubadda cagta oo uu heer ka gaadhi waayay go’aansaday inuu kabaha tiiriyo.
Sannadkii 1992kii ayuu ku dhashay magaalada Canet de Mar oo ku taalla gobolka Catalonia ee waddanka Spain, waxaana uu u ciyaaray saddexda kooxood ee Espanyol, Rayo Vallecano iyo Real Betis oo uu iskaga gudbay ka hor intii aanu u wareegin horyaalka Premier League.
Difaacan ayaa sidoo kale u ciyaaray xulka qaranka Spain ee da’doodu ka hoosayso 16 jirrada iyo 21 jirrada, hase yeeshee muddo 14 sanndood ah oo uu kubadda cagta ciyaarayay kooxda koowaad uma aanu safan.
30 jirkan ayaan hadda wax walwal ah ka qabin in uu beddelay dhalashadiisa oo uu qaatay dhalashada Indonesia ee ay kasoo jeeddo ayaydii hooyo, waxaana uu yidhi: “Waxa uu ahaa nidaam socday in ka baadan waqtigii la filayay, inkasta oo ay qaadatay sannad kaliya.
“Saaxiibbada kale, tusaale ahaan waxay ku qaadataa muddo toddoba sannadood ah in ay helaan dhalashada muwaadinnimo ee Indonesia.”
Jordi Amat oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:”Anigu waxa aan ahaa muwaadin Spanish ah oo ku jira dabaqadaha ugu hooseeya, laakiin waxa aan mar walba ogaa in ay suurtogal tahay in aan noqon karo muwaadin Indonesian ah sababtoo ah ayayday hooyo darteed.
“Sannadkkii hore waxa aan joogay Eupen, waxa aan qiimeeyey dookhyada, kaddibna waxa aan bilaabay wada-xaajoodyada.”
Amat ayaa sidoo kale helay dhaxalka qasriga ayaydii oo ah amiiradda Siau, halkaas oo uu ka talinayay awoowgii oo lagu magacaabi jiray Rajah of Siau.
Hadd ciyaartoygii hore ee Premier League waa amiir, waana xubin la sharfo oo ka mid ah madaxda dunida ee dhaxalka ku helay maamulka iyo sharafta.