Mar baa loo arkayay in uu noqonayo xiddiga mustaqbalka ee Manchester United, laakiin hadda waa wadaad faafiya diinta kiristaanka, waxaana uu u xuubsiibtay kaniisadda markii uu ka fadhiistay kubadda cagta oo uu sheegay inay tahay meel lagu daalayo.
Kubadda cagta ayuu ka bilaabay kulliyadda da’yarta Manchester United waxaanu soo dallacay kooxda koowaad oo aad loogu hanweynaa laakiin si degdeg ah ayuu uga tegaya Old Trafford isaga oo kaliya hal ciyar oo Premier League ah u saftay, isaga oo u wareegay Norwich City oo ku iibsatay £500,000 Gini sannadkii 1999kii.
Ciyaartoygan Manchester United ay u arkaysay inuu mustaqbalka wax badan kusoo kordhin doono oo uu raacayo raadkii Ryan Giggs, Paul Scholes, David Beckham iyo jiilkii 1992kii waa Phil Mulryne hadda baadari ka ah kaniisadda Roman Catholic.
Norwich City ayaa markii uu u wareegay ay kubaddiisu ku qaan-gaadhay, waxaana uu ka caawiyey inay usoo dallacdo heerka koowaad isaga oo u saftay 161 kulan.
Sannadkii 2005 ayuu ka tegay Norwich oo uu u wareegay Cardiff City, balse waa uu ku dhibaatooday la qabsida Wales isaga oo uga sii gdubay Leyton Orient iyo King’s Lynn Town, ka hor intii aanu sannadkii 2008 ka fadhiisan ciyaaraha. Xulka qarankiisa Northern Ireland ayaa uu sidoo kale u ciyaaray 27 kulan.
Phil Mulryne ayaa markii ay da’diisu noqotay 31 jir waxa uu bilaabay inuu noqdo baadari, waxaana uu ka dhax-baxay oo uu joojiyey shaqooyinkii uu lcagta ku helayay, sidoo kalena waxa uu iska xarrimay dumar.
Inkasta oo uu mushahar u qaadanayay £600,000 Gini, haddana waxa uu sheegay in aanu ku qanacsanayn nolosha lacagta lagu samaynayo waxaana uu iska xaadiriyey kaniisadda.
Sannadkii 2017 illaa hadda waxa loo diray kaniisado ku yaalla dalal kala duwan oo uu baadari ka noqday.