Sir Alex Ferguson ayay indhihiisu qaban doonaan xiddigii uu ku dhaaran jiray oo ka tegaya Manchester United dhamaadka xilli ciyaareedkan, kaas oo waliba dib u raacaya raadkiisii hore oo ku laabanaya halkii uu Ferguson ka keenay xilligii uu ahaa tababaraha Manchester United.
Red Devils oo bishii hore burburisay qandaraaska Cristiano Ronaldo ayaa waxa la sheegay inay hirgelisay qodobbadii ku jiray heshiisyada afar ka mid ah ciyaartoydeeda oo qandaraasyadoodu ku ekaayeen xagaaga, balse kooxdu haysatay dookh siinaaya inay 12 bilood kordhin karto heshiisyadooda.
Ciyaartoydaas ayaa kala ah Marcus Rashford, Diogo Dalot, Fred iyo Aaron Wan-Bissaka, hase yeeshee waxa aanay illaa hadda u dhaqaaqin David de Gea oo isagana qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Sida uu maanta boggiisa hore ku daabacay wargeyska Fichajes, David de Gea ayay u badan tahay inuu si xor ah uga tago Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan, isla markaana dib ugu laabto naadigiisii hore ee Atletico Madrid ee ay Red Devils kala soo saxeexatay xagaagii 2011.
32 jirkan oo 507 ciyaarood u saftay Manchester United ayaa waxa uu kasoo baxay kulliyadda Atletico oo uu 84 kulan u saftayka hor intii aanu ka degin Old Trafford.
Man United ayaa haddii ay hirgelin weydo qodobka dhigaya in ay dookh u haysato 12 bilood oo ay qandaraaskiisa kusii dheeraynayso, waxa uu David de Gea xor u noqon doonaa inuu si xor ah uga tago Old Trafford marka la gaadho bisha June.
Dhinaca kale, Red Devils ayaa la sheegay in ay doonayso goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Oblak, waxaana calmaday tababare Erik ten Hag oo la sheegay inuu saluugsan yahay David de Gea.
Atletico Madrid ayaa faa’iido u arki doonta inay iibiso Oblak haddii ay si xor ah ku hesho goolhayaheedii hore ee Atletico Madrid.