Xanuun ayaa ka dillaacay xarunta ciyaartoyda xulka qaranka Faransiisku tababarka ku qaadanayaan, waxaana soo dhacay ciyaartoygii labaad muddo 24 saacadood gudahood ah. Labadan ciyaartoy ayaa uu shaki ku jiraa inay qayb ka noqon doonaan kulanka Morocco ee semi-finalka Koobka Adduunka ee Arbacada.
Faransiiska oo difaacanaya Koobka Adduunka ayaa waxa garoonka Al Bayt Stadium ay habeen dambe foodda isku dair doonaan Morocco oo taariikh ka samaynaysa Koobka Adduunka.
Diyaar-garowgii xulka Faransiiska ayaa khalkhal uu ku yimid labadii maalmood ee ugu dambeeyey kaddib markii ay xanuunsadeen laba ciyaartoy oo la sheegay in aan la hubin inay ciyaari doonaan, kuwaas oo maqnaanshahoodu uu saamayn ku yeelan doono awoodda xulkaas.
Dayot Upamaceano ayaa xanuunsaday oo tababarkii shalay iyo midkii maantaba aan joogin, waxaana sidii aanu xalay warka idiinku soo gudbinay ku dhacay xanuun aan faahfaahin badan laga bixin oo kaga dhacay cunaha, kaas oo la sheegay inay sababtay cimillada kulul ee waddanka Qatar.
Maanta ayaa waxa isaguna xanuunsaday oo tababarka ka baaxay Adrien Rabiot oo intii uu socday tartanka Koobka Adduunku ay khadka dhexe kusoo wada bilaabanayeen Aurelien Tchouameni oo isagana la sheegay in uu dhaawacan yahay balse dib ugu soo laabtay tababarkii maanta.
Dhinaca kale, Karim Benzema ayaa la sheegay in uu dib ugu soo noqonayo xulka qaranka Faraniiska haddii ay u gudbaan finalka, sida uu ku warramayo wargeyska The Sun oo soo xiganaya ilo-wareedyo gudaha Faransiiska ah.
Benzema oo Sabtidii tababarka dib ugu soo laabtay ayaa afartii maalmood ee ugu dambeeyey si fiican garoonka Valdebas ee Real Madrid ciyaartoyda kooxdiisa ugula qaadanayay tababarka isaga oo aan wax dhibaato ah dareemayn, waxaana uu si buuxda uga soo kabtay dhaawacii kasoo gaadhay tababarkii xulkiisa maalmo ka hor intii aanu bilaabmin Koobka Adduunku.
34 jirkan oo aan laga saarin liiska xulka Faransiiska ayaa waxa The Sun uu sheegay in haddii ay dhaawacyo ku yimaaddaan ciyaartoyda Faransiiska kulanka Morocco oo ay u gudbaan finalka, in Didier Deschamps uu u yeedhi doono Benzema.