Daafaca Faransiiska Benjamin Pavard ayaa faafiyay sirta qolka labiska wuxuuna abuuray jawi sumeysan intii uu socday Koobka Adduunka, sida lagu sheegay warbixin cusub.
Pavard oo 26 sanno jir ah ayaa ku soo bilowday kulankii furitaanka ee France oo ay 4-1 kaga badiyeen Australia laakiin waxaa bedelay Jules Kounde, wixii markaas ka danbeeyayna ma uusan dheelin.
Xulka France ayaa gaaray finalka Koobka Adduunka laakiin waxaa rigoore kaga badisay Argentina finalkii ugu xumaasada badnaa abid.
Haatan wargeyska L’Equipe ayaa sheegaya in Pavard uu hadalo xun ka sheegay ciyaartoyda xulka intii uu fadhiyay kursiga keydka kulankii finalka.
Deschamps ayaa lagu waramayaa inuu ku qeyliyay ciyaaryahanka isagoo ka falcelinayay habdhaqankiisa.
Xulka Faransiiska ayaa noqday mid kala qeybsan intii ay joogeen Qatar waxaana ugu wacnaa Benjamin Pavard oo lagu eedeeyay inuu sirta qolka labiska u dusinayay warbaahinta.
Xiddiga Barcelona Ousmane Dembele ayaa lagu waramayaa inuu ka mid ahaa ciyaartoydii dalbaday in xulka laga diro Pavard.
Si kastaba, daafaca ayaa taageero ka helay xiddigaha sida kabtan Hugo Lloris iyo gooldhaliyaha xulka Olivier Giroud.
Laakiin haatan waxaa soo baxaya warar sheegaya in Pavard uu sirta qolka labiska u gudbinayay warbaahinta taasoo aad u niyadjabisay tababare Deschamps iyo shaqaalaha tababarka.
Pavard ayaa door libaax leh ka qaatay hanashadii France ee Koobkii Adduunka ee 2018 isagoo dhaliyay mid ka mid goolashii ay kaga badiyeen Argentina wareegii 16ka.
Laakiin waqtiyadii ugu danbeeyay waxaa hoos u dhacay qaab ciyaareedkiisa isagoo waqti adag ku wajahaya Bayern Munich.
Pavard ayaa Bayern Munich kaga soo biiray Stuttgart sannadkii 2019 isagoo u saftay 140 kulan wuxuuna u dhaliyay sagaal gool isagoo sameeyay 11 caawin.