Ciyaartoyda xulka Ghana ayay qasab ku noqotay inay isaga cararaan huteelka ay ka digan yihiin Doha ka dib markii shaki cabsi qarax ah ay soo baxday maalintii Axada.
Ghana ayaa Koobka Adduunka ku bilaabaneysa kulan ay Khamiis la ciyaarayaan xulka Portugal.
Laakiin isku diyaarintooda kulankaas waa laga qasay afar maalmood ka hor kulankooda furitaanka Koobka Adduunka.
Sida ay sheegtay Daily Mirror, dhamaan dadkii jiifay huteelka Double Tree Hilton ayaa lagu qasbay inay ka baxaan.
Shaqalaaha dab damiska ayaa loo yeeray laakiin nasiib wanaagsan dadkii huteelka deganaa ayaa loo ogolaaday inay qolalkooda ku laabteen 45 daqiiqo ka dib markii la baaray dhismaha oo dhan.
Waa markii labaad oo ay tani dhacdo labo maalmood gudaheed iyadoo sidoo kale dadka degan huteelka dibada loo soo saaray Jimcihii.
Waqtigaas waxaa la keenay eeyaha wax uriya si ay u baaraan qol walba.
Laakiin nasiib wanaag taasi waxay dhacday ka hor inta aysan Ghana ka soo caga dhiganin Qatar.
In huteelada la iska soo bixiyo cabsi amaan darteed ayaa ku badatay Qatar tan iyo markii lagu dhawaaday Koobka Adduunka.
Warbixin ay soo saareen xiriirka kubada cagta Ghana ayaa lagu yiri: “Ka dib 2dii duhurnimo waqtiga Qatar 20kii November, wuxuu dhawaaqa degdega ah ka yeeray huteelkii ay deganaayeen xulka qaranka Ghana ee Doha, iyadoo dadkii oo dhan dibada loo soo saaray.
“Shaqaalaha dab damiska ee Qatar ayaa wax yar ka dib yimid oo la tacaalay dhawaaqa degdega ah ee yeeray.”
Xiddigaha xulka Ghana waxaa ka mid ah xiddiga Arsesenal Thomas Partey iyo xiddiga Crystal Palace Jordan Ayew.