Xiddigo waaweyn ayaa ka maqan Koobka Adduunka ee sannadkan, waxaanay iskugu jiraan kuwo nasiib-darro ku dhacday oo iyadoo dalalkoodu tegayaan Qatar haddana lagu qasbay inay telefishannada ka daawadaan iyo kuwo kale oo waddamadoodu ka hadheen tartanka.
Mishiinka goolasha ee Erling Haaland iyo Mohamed Salah oo wacdaro ka dhigaya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa awoodi waayey inay xulalkooda ku hoggaamiyaan Doha, hase yeeshee Sadio Mane waxa isaga oo isku diyaarinaya safarka uu ku tegayo Qatar ku habsaday dhaawac culus oo sababay qalliin.
Saddexdoodu waxay ka mid yihiin ciyaartoyda waaweyn ee sannadkan laga tebayo Koobka Adduunka, laakiin lama illoobi doono kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard oo isaga iyo Erling Haaland ay awoodi waayeen inay Norway usoo saaraan tartanka ugu weyn dunida.
Waxa kale oo ka maqan Koobka Adduunka saddexda laacib ee reer France ee Paul Pogba, N’Golo Kante iyo Presnel Kimpembe oo dhamaantood ka mid ahaa xiddigihii xulka qaranka France u qaaday Koobkii Adduunka 2018.
Sidoo kale, David Alaba ayaa dalkiisa Austria uu ka hadhay Koobka Adduunka, waxaase Didier Deschamps uu iskaga yimid Ferland Mendy oo taam ah, hase yeesheeGianluigi Donnarumma, Marco Verrati, Nicolo Barella iyo Federico Chiesa ayaa dalkooda Talyaaniga usoo saari kari waayey fagaaraha ugu weyn, iyaga oo sidoo kale sannadkii 2018 uga maqnaa Koobka Adduunka.
Colombia oo haysata xiddigo waaweyn, sida Luis Diaz, Ramadel Falcao iyo James Rodriguez ayaa iyaguna ka maqan Koobka Adduunka.