Xiddigaha Laga Ganaaxayo Manchester United Oo Fursad U Siinaya Casemiro Inuu Kusoo Bilowdo Kulanka Man City

Saxeexa cusub ee Manchester United ay xagaagii samaysay ee Casemiro ayaa ugu dambayntii helaya fursad uu ugu soo bilowdo horyaalka Premier League. Laacibka reer Brazil ayaa Red Devils beddel ugu soo galay kulamadii horyaalka, hasee hal ciyaar oo Europa League ah ayaa uu ka mid noqday shaxda koowaad.

Kubbad-burburiyahan ay Manchester United kasoo bixisay £70 milyan ee Gini, ayaa waxa uu gelayaa toddobaadyo xaasaasi ah oo ah kuwii uu ku saldhigi lahaa horyaalka Premier League, isla markaana ku qancin lahaa tababare Erik ten Hag in uu kala daadiyo saddexda xiddig ee uu ku aaminay khadka dhexe ee Scott McTominay iyo Christian Eriksen oo uu kasii horreeyo Bruno Fernandes.

Laacibka tamarta badan ee McTominay ayaa la sheegay in uu waajahayo ganaax oo uu seegi doono kulanka Manchester City ee marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah. Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka ayuu urursaday afar kaadh oo digniin ah, ciyaarta kaliya ee aanu kusoo bilaabanin illaa haddana waa Brenford oo bishii August ku karbaashtay 4-0.

Advertisements

Tababare Erik ten Hag ayaa la sheegay in uu ku fikirayo in uu McTominay fadhiisiyo ciyaarta Manchester City ee October 2 maadaama uu hal kaadh oo kali ah u jiro in hal ciyaar laga ganaaxo kulamada horyaalka Premier League, iyadoo ciyaarta City na ay ugu xigaan kulamada adag ee Everton, Newcastle iyo Tottenham.

Sharciga Premier League ayaa waxa kale oo uu dhigayaa in aanu ciyaartoyna qaadan karin wax ka badan toban kaadh oo digniin ah 19ka ciyaarood ee qaybta hore ee xilli ciyaareedka, waana sabab ku qasbaysa Erik ten Hag in uu ilaaliyo McTominay 13ka ciyaarood ee kale ee uga hadhsan inta badhtamaha xilli ciyaareedka laga gaadhayo.

25 jirkan ayaa ka  mid ah lix ciyaartoy oo Premier League ah oo min hal kaadh u jira in min hal kulan laga ganaaxo, waxaase isagu mar horeba buuxsaday oo noqonaya ciyaartoygii ugu horreeyey ee shan kaadh qaata laacibka Fulham ee Joao Palhinha oo seegaya kulanka Newcastle ee October 1.

Casemiro ayaa noqonaya beddelka tooska ah ee McTominay, iyadoo saddex ciyaarood oo hore oo Premier League ah uu beddel kusoo galay ayaanu isku diyaarinayaa in uu kusoo bilowdo kulanka Manchester Derby ee City ay ugu tegayaan Etihad Stadium, sida ay warbaahinta Ingiriisku ku sheegeen xogo ay tibaaxeen inay ka heleen gudaha Manchester United.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada