Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Xiddiga Ugu Wanaagsan Xulka Qaranka Portugal Ee Koobka Adduunka Oo La Magacaabay

by Abdiwahab Ahmed
December 6, 2022
0
Real Madrid Oo Go’aansatay Inay La Saxeexato Xiddigii Ay Kaga Kaaftoomaysay Erling Haaland – Waxay Ku Garaacayaan Manchester United, Liverpool iyo Arsenal

Sannad iyo badh waqti dheer ayuu ku yahay kubadda cagta, gaar ahaan Burno Fernandes iyo xulka qarankiisa Portugal. June 2021, tababare Fernando Santos ayaa kaydka dhigay Bruno Fernandes kulankii Belgium ee wareegga 16ka Euro 2021, balse kama aanay faa’iidin waxaana lagu garaacay 1-0 iyaga oo sidaas kaga hadhay tartankaas.

ADVERTISEMENT

Wax walba way isbaddaleen hadda, waxaana yimid Koobka Adduunka oo uu tababare Santos mar  kale u diyaariyey xulkiisa oo usoo gudbay wareegga 16ka, waxaana caawa ay Switzerland ku dagaallami doonaan garoonka Lusail Stadium.

Santos kuma celin karo qaladkii uu sameeyey sannad iyo badh ka hor, sidoo kalena waa inuu saxo waxyaabihii ka qaldanaa kulankii South Korea ee  ay guul-darraysteen ee ugu dambeeyey wareeggii group-yada Koobka Adduunka ee toddobaadkii hore.

Cristiano Ronaldo, Bernardo Silva, Joao Felix, Ruben Dias iyo Joao Cancelo ayaa dhamaantood diyaar u ah ciyaartan, iyaga oo kula adii horena si joogto ah ugu soo bilowday, balse Santos waxa uu ogyahay in haddii uu doonayo in dalkiisu uu gaadho ugu yaraan halkii ay tageen 2006 oo ahayd semi-finalka, in uu hoggaamiyaha xulka ka dhigo Bruno Fernandes.

ADVERTISEMENT

Portugal oo aan waligood  ku guuleysanin Koobka Adduunka, waxay hadda su’aashu ay tahay waa kuma xiddiga ugu wanaagsan ee ay haystaan iyadoo ka sokow xiddigaha sare ku sugan ee Bernardo Silva, Cancelo, Felix, Ronaldo iyo Dias uu joogo Rafael Leao oo aan la qaban karayn, isla markaana ciyaartii Uruguay isaga oo beddel ku yimid shabaqa la saaxiibay.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Sida ay muujinayso xogta laga diiwaangeliyey kulamadii xulka Portugal uu ciyaaray Koobka Adduunka, waxa xiddigooda ugu fiican illaa hadda uu yahay Bruno Fernandes oo dhaliyey labadii gool ee  ay ku garaaceen Uruguay oo midkood uu ku dooday Ronaldo balse FIFA iyo VAR ay intudba caddeeyeen in aanu kubadda taabanin oo sidaas loogu qoray Bruno Fernandes.

ADVERTISEMENT
Share365Tweet228
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.