Xiddiga Chelsea U Quudhi La’dahay Real Madrid, Wakhtiga Juventus Go’aan Ka Gaadhayso Allegri & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Suuqa iibka

Youri Tielemans ayaa sheegay inuusan ka qoomamaynayn inuu Leicester City sii joogay xagaagan walow lala xidhiidhinayay Arsenal. (Sky Sports)

Chelsea garabkeeda Christian Pulisic ayaa sheegay inuu ka xanaaqay go’aankii uu tababare Tuchel ugu soo bilaabi waayay lugtii labaad ee Semi Finalkii Champions League ee Real Madrid sanadkii hore. (ESPN)

Everton khadkeeda dhexe ee Allan ayaa fursad wadahadalo uu ugu biirayo kooxda Al-Wahda. (Football Insider)

Advertisements

Rafael Benitez ayaa sheegay inuusan Everton u maamulin sidii uu doonayay oo ay arrimaha ku adkeeyeen xidhiidhada hore ee uu la lahaa kooxda ay xifaaltamaan ee Liverpool. (Sky Sports)

Chelsea mulkiilaheeda Todd Boehly ayaa ka cadhaysan in maamulkii ka horreeyay aysan u dhaqaaqin saxeexa Tchouameni kahor intii uusan ku biirin Real Madrid. (Sport – in Spanish)

AC Milan garabkeeda Rafael Leao ayaa doonaya inuu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa walow uu xiiso ka helayo Chelsea. (La Gazzetta Dello Sport, via Teamtalk)

Barcelona liiska xiddigaha ay doonayso inay ku bedesho Sergio Busquets ayay ku jiraan Ruben Neves oo Wolves ah iyo Martin Zubimendi oo ka tirsan Real Sociedad. (Marca)

Aaron Ramsey ayaa sheegay inuu Arsenal ka tagay sanadkii 2019 kaddib markii heshiiskii uu kooxda la meel dhigay ay kooxdu la noqotay. (Times – subscription required)

Manchester United iyo Tottenham daafactadeeda Lisandro Martinez iyo Christian Romero ayaa England ugu xaniban sababta tacsidii boqoradii dalkaas oo aan wali xulkooda Argentina u duulin. (Mirror)

Juventus maamulkeeda ayaa Jimcaha fadhi ka yeelan doona mustaqbalka tababare Massimiliano Allegri, Juve ayaa booska siddeedaad kaga jirta Serie A iyagoo 2 guul ka helay 7 kulan. (Calciomercato – in Italian)

Chelsea ayaa agaasimaha ciyaaraha ee RB Leipzig Oliver Mintzlaff u doonaysa doorkaasi kooxdeeda. (Athletic – subscription required)

Yaya Toure ayaa isku diyaarinaya inuu xulka 21 sano jirada ka yar ee England ka caawiyo kulamada Italy iyo Germany xilli uu qaybihii ugu dambeeyay ee shahaadadiisa tababarenimo ku jiro.(Mail)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada