Garoonka ayaa laga dhax qaaday weeraryahanka kooxda kubadda cagta Chelsea ee Armando Broja isaga oo ooyaya kulankii saaxiibtinimo ee Astona ay guul-darrada u xambaarisay. Dhaawacan ayaa sidoo kale ka murugaysiiyey ciyaartoyda kale ee Chelsea ee ku sugnaa garoonka.
Blues oo isku diyaarinaya horyaalka Premier League ee dib u bilaabmaya dhamaadka bishan December, ayaa waxay magaalada Abu Dhabi ciyaar saaxiibtinimo xalay kula dheeshay Aston Villa, waxaana weerarka ugu soo bilowday Broja iyo Pierre-Emerick Aubameyang.
Laakiin markii ay ciyaartu socotay 17 daqiiqadood oo kaliya ayaa waxa isku dhacay weeraryahanka reer Albania ee Brojo iyo difaaca Aston Villa ee Ezri Konsa. Isla markiiba waxa cabaaday oo ilmada ceshan waayey Broja oo uu dhaawac kasoo gaadhay jilibka. Dhakhaatiirta kooxda ayaa si degdeg ah ugu soo gurmaday waxaanay laga saaray garoonka.
Tababare Graham Potter ayaa saxaafadda u sheegay in astaamaha ay ka arkayeen dhaawaca Broja in ay yihiin kuwo aan fiicnayn, balse ay waqti hore tahay oo aanu faahfaahin dheeraad ah bixinayn illaa inta ay soo baxayaan natiijada sawirrada laga qaadayo.
Chelsea oo xilli ciyaareedkan ay kusoo noqnoqdeen dhaawacyo tiro badan, sida N’Golo Kante oo inta badan xilli ciyaareedkan maqan, ayaa waxay xaaladda Broja ay uga sii daraysaa xaaladda kooxda oo horyaalka Premier League kaga jira kaalinta siddeedaad.