Manchester City aya diyaar u ah iibinta saxeexeeda rekoodhka ah ee Jack Grealish si ay uga hesho lacag ay ku bixiso saxeexa saaxiibkiisa England ee Jude Bellingham oo ka tirsan Borussia Dortmund. (Football Insider)
Bellingham ayaa sidoo kale bartilmaameed u ah Paris St-Germain. (Le10Sport – in French)
Portugal weeraryahankeeda Ronaldo ayaan wali go’aansan haddii uu aqbalayo dalabka 173-ka Milyan ee pound ah ee uga yimid kooxda Al-Nassr, wuxuu go’aan gaadhi doonaa kaddib koobka aduunka. (Sunday Mirror)
Tottenham iyo Chelsea xiisaha ay u qabaan daafaca dhexe ee RB Leipzig ee Josko Gvardiol ayaa sii kordhaya kahor suuqa January. (Corriere dello Sport – in Italian)
Haddii aysan Barcelona dalab ka gudbin, daafaca Borussia Dortmund ee Thomas Meunier ayaa dhagaysan doona dalabaadka kooxaha kale ee xiisaynaya ee ay ku jiraan AC Milan, Juventus, Manchester United iyo laba kooxood oo London ah.. (Mundo Deportivo – in Spanish)
Arsenal ayaa xiisaynaysa inay suuqa January Real Madrid kala saxeexato Marco Asensio. (Calciomercato – in Italian)
Atletico Madrid weeraryahankeeda Matheus Cunha ayaa kooxda Wolves ku biiraya suuqa January. (Cadena Ser – in Spanish)
Leeds United tababaraheeda Jesse Marsch ayaa sheegay in kooxdiisu aad ugu dhawaatay xagaagii saxeexa Cody Gakpo ee PSV. (90 Min)
Kaddib markii uu Netherlands ka caawiyay inay wareega siddeeda Koobka aduunka gaadhay, Gakpo ayaa sheegay inuusan haatan mustaqbalkiisa ka fikirayn. (Sport – in Spanish)
Manchester United waxay diyaar u tahay inay bixiso 51.4-ka Milyan ee pound ee lagu jabin karo heshiiska khadka dhexe ee Real Sociedad ee Martin Zubimendi. (AS – in Spanish)
Inter Milan ayaa doonaysa inay xilli ciyaareed kale Romelu Lukaku amaah kaga qaadato Chelsea. (Gazzetta dello Sport – in Italian)
Flamengo ayaa indho indhaynaysa xaalada garabka Tottenham ee Lucas Moura oo ay heshiis la gaadhi kari wayday kooxdiisii hore ee Sao Paulo. (Bolavip – in Portuguese)
Frenkie de Jong waxa uu wadahadalo la yeeshay Man City iyo PSG kahor heshiiskii uu Barcelona ugu biiray 2019kii. (The Athletic – subscription required)
PSG madaxweynaheeda Nasser al-Khelaifi ayaa sheegay inaysan kooxdu saxeexyo samayn doonin suuqa January. (L’Equipe – in French)
Leeds United ayaa ka fikiraysa inay suuqa January dalab ka gudbiso weeraryahanka Newcastle United ee Chris Wood.(Football Insider)
Xulka Uruguay ayaa ka fikiraya inay tababarihii hore ee Leeds ee Marcelo Bielsa ku bedelaan tababarahooda haatan ee Alonso. (TyC Sports – in Spanish)