Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Xiddiga Arsenal Ee La Isku Raacinayo Ganaaxa Iyo Kabtannimada Oo Laga Qaadayo

by Abdiwahab Ahmed
December 15, 2022
0
Xiddiga Arsenal Ee La Isku Raacinayo Ganaaxa Iyo Kabtannimada Oo Laga Qaadayo

Xiddig khadka dhexe ee Arsenal ee Granit Xhaka ayaa laga qaadi doonaa kabtannimada, sidoo kalena waxa uu waajihi doonaa ganaax kaga iman doona FIFA, kaddib markii uu sameeyey ficil aan habboonayn kulankii Serbia.

ADVERTISEMENT

Xhaka  oo ay da’diisu tahay 30 jir ayaa ahaa kabtanka xulkiisa Switzerland ee Koobkii Adduunka ee ay wareegga 16ka kaga hadheen, iyadoo Portugal ay ku xasuuqday 6-1.

FIFA ayaa ganacanta ku haysa baadhitaan lgu samaynayo Granit Xhaka oo lagu haysto ficilladiisii kulankii ay Serbia 3-2 kaga badiyeen ee wareeggii group-yada, markaas oo uu Xhaka ka cadhaysiiyey ciyaartoyda kaydka fadhiday ee Serbia oo uu hortooda tegay isaga oo xiniinyaha is-haya.

Falkaas ayaa waxa uu keenay in dhawr ciyaartoy oo reer Serbia ah oo kaydka fadhiyey ay dagaal ugu soo kacaan laacibkan, iyadoo garsooruhuna uu kaadh digniin ah siiyey.

Xhaka ayaa sidoo kale ku lug yeeshay fal kale oo dhaqan xumo ah oo ka dhacay garoonka, waxaana la arkay isaga oo xidhan shaadh uu dhabarka kaga qoran yahay ‘Jashari’, kaas oo markii la weydiiyey macnaha uu kaliya ku sheegay in aanu magacaasi wax lug ah ku lahayn siyaasad, balse uu yahay magaca xiddiga xulkiisa Switzerland ee Ardon Jashari.

Markii baadhitaan la sameeyey ayaa waxa la ogaaday in Jashari uu yahay magaca ninkii aas-aasay jabhaddii Kosovo Liberation Armay ee dagaalkii Kosovo ee ay reer Albania ku doonayeen inay kaga go’aan Yugoslavia.

Arrinta layaabka leh ayaa waxay tahay in Shaqiri oo ay xulka Switzerland u wada ciyaaraan Xhaka in uu kasoo jeedo qowmiyadda Albanian-ka ee reer Kosovo ee sannadkii 2008 markii ay xornimadooda qaateen la baxay Serbia.

Si kastaba, FIFA ayaa la filayaa in ay ganaax ku riddo Granit Xhaka, sidoo kalena xidhiidhka kubadda cagta Switzerland ayaa la sheegay inay ka xayuubin doonaan kabtanimada.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023
Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxay Wargeysyadu Qoreen Maanta Oo Salaasa Ah

February 7, 2023
Share393Tweet246
ADVERTISEMENT

Related Posts

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxay Wargeysyadu Qoreen Maanta Oo Salaasa Ah

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Paris St-Germain ayaa doonaysa saxeexa Bernardo Silva oo u furan inuu Man City ka tago balse waxay tartan kala kulmayaan...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.