Dawladda waddanka Iran ayaa la sheegay inay dil ku xukuntay mid ka mid ah ciayartoydeeda oo lagu eedeeyey in uu kasoo horjeedsaday nidaamka ka taliya dalkaas, kaddib markii ciyaartoyda xulka qaranka Iran ee ka qayb-galay ay diideen inay qaadaan heesta calanka.
Ciyaartoyda Iran ayaa abuuray hadal-hayn badan kaddib markii ay ka aamuseen heesta calanka kulankii England ee Koobka Adduunka, taas oo ay ku muujinayeen in ay garab taagan yihiin mudaharaadeyaasha ay dumarku hoggaaminayaan ee dalkooda.
Iran ayaa hadda bilowday inay ugaadhsato ciyaartoydeeda oo ay xukunno ku riddo, waxaana lasoo qabtay xiddiga lagu magacaabo Amir Nasr-Nazdani oo la sheegay in lagu xukumay dil, waxaana uu xukunkani soo baxay toddobaad kaddib markii uu tababare Carlos Queiroz iska diiday inuu ka jawaabo su’aalo laga weydiiyey arrimo la xidhiidha tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda binu-aadamka oo ay reer galbeedku sheegeen inay ka dhacayaan Iran.
Sida ay ku warrantay warbaahinta IranWire, ciyaartoyga xukunka dilka lagu riday ee Amir Nasr-Nazdani ayaa ka mid ahaa saddex qof oo ka qayb-qaatay mudaharaadyadii dalka ka dhacay, waxaana xukunkan cambaareeyey ururka ciyaartoyda dunida ee FIFPro oo dalbaday in lasii daayo laacibkan.
Halyeygii Iran weerarka uga ciyaari jiray ee Ali Karimi ayaa isaguna usoo jeediyey dawladda in ay ka laabato xukunka lagu riday ee Amir Nasr-Nazdani.
Xiddigii hore ee Sevilla ee Masoud Shajaei ayaa isaguna qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada waxa uu ku caddeeyey in uu kasoo horjeedo dilka lagu xukumay ciyaartoygan.
Amir Nasr-Nazdani oo ay da’diisu tahay 26 jir ayaa waxa uu u ciyaaraa kooxda Tractor Siza ee ka dhisan magaalada Isfahan, taas oo dhowaan uu tababare u noqday macallinkii hore ee kooxda Rayo Vallecano ee ka dhisan Spain ee Paco Jemez.
Waan canbaaraynay dilkaasi waana mid wuxuush nimo