Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Xiddig Manchester United Ah Oo Lagu Wargeliyey Inuu Lix Bilood Ku Badbaadsado Mustaqbalkiisa Old Trafford

by Abdiwahab Ahmed
December 25, 2022
0
Muxuu Erik ten Hag U Sheegay Manchester United Waqtigii Nasashada Ee Kulankii Brighton?

Manchester United ayaa digniin kama dambays ah siisay xiddig ku dhibaatoonaya Old Trafford oo uu muddo laba sannadood iyo dheeraad ah la qabsan la’yahay, waxaana loo sheegay in kaliya fursad loo siinayo muddo saddex bilood ah oo uu ku badbaadsado mustaqbalkiisa.

ADVERTISEMENT

Tababare Erik ten Hag ayaa ogolaaday in xilli ciyaareedkan uu isku dayo inuu kalsoonida u dhiso oo uu dib ugu soo celiyo qaab-ciyaareedkiisa xiddiga khadka dhexe ee reer Netherlands ee Donny van de Beek oo uu hore ugu soo layliyey Ajax, laakiin sannadkii 2020 ay Man United kasoo iibsatay.

Ten Hag ayaa markii uu yimid Old Trafford xagaagii waxa uu dib usoo celiyey Van de Beek oo amaah ku maqnaa  xilli ciyaareedkii tegay, balse haddana laacibkan ayaa dhawr ciyaarood oo la safay aan la imanin qaab-ciyaareed qancin kara macallinka ay isku waddanka yihiin.

Michael Silvestre oo difaaca uga ciyaari jiray Arsenal ayaa waxa uu sheegay, in kubbad-sameeyahan ay Red Devils kasoo bixisay £40 milyan oo Gini uu kaliya fursad u haysto inta ka hadhay xilli ciyaareedkan, haddii uu is-muujin waayana uu sidaa kusoo dhamaanayo waqtigiisa Old Trafford.

ADVERTISEMENT

“Nasiib-darro wax isbeddel ah kuma arkayno Donny van de Beek.” Ayuu yidhi Silvester oo kusii daray: “Waa run ma aanu helin fursado badan oo uu ciyaarta ugu soo bilowdo, laakiin haddana ma aragno ciyaartoygoii aynu ku naqaanay Ajax. Haddii aanu isku muujin shanta illaa lixda bilood  ee soo socda ee illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxa iman doona isbeddel.”

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
ADVERTISEMENT
Share341Tweet213
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.